Muqdisho(SONNA):-Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer safar ku tegay Kampala.
Danjire Hammer ayaa magaalada Kampala kaga qeyb galaya shir madaxeedka 42-aad ee aan caadiga ahayn ee madaxda urur goboleedka IGAD, kaasi oo diiradda lagu saarayo xadgudubka Dowladda Itoobiya kula kacday Soomaaliya.
Dowladda Maraykanka waxa uu soo dhawaynayaa hindisahan dublamaasiyadeed ee IGAD, waxana uu ku celinayaa aqoonsiga Maraykanku u aqoonsaday madaxbannaanida iyo wadajirka dhulleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xuduudaheeda 1960-kii.
Dalka Uganda ayaa maanta waxa ka socda Shir Madaxeedka Urur goboleedka IGAD halkaas oo looga hadlayo Xadgudubka Itoobiya kula kacday Madaxbanaanida dhulleed ee Dowladda Soomaaliya.