Ciidamada Israa’iil ay weeraro iyo duqeymo ka fuliyeen goobo ku dhow cisbitaalka Khan Younis’s Nasser ,halkaasi oo ay ka carareen kumanaan ruux,sida,sida uu ku waramay dhakhtar ka shaqeeya halkaasi.
Muddo todobaad ah waxaa goโan isgaarsiinta, taas oo adkeynaysa in Marinka Gaza laga helo xog sababo la xiriira weerarada iyo suqeymaha ย israaโiil oo weli halkaasi ka sii socda.
Dhinaca kale, Raโiisul wasaaraha Israaโiil Benjamin Netanyahu ayaa diiday baaq ku saabsan dhismaha dowlad ay leeyihiin Falastiiniyiinta oo ay soo jeediyen Mareykanka.
Ninkaasi ย ayaa Mareykanka u sheegay in uu ka soo horjeedo dhismaha dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin marka ay soo afjaraan colaadda Gaza.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in weli ay taageero buuxa u hayaan Israel,inkastoo ra’iisul wasaaraha Israa’iil uu diiday mowqifka Mareykanka ee dhismaha dowlad Falastiin ah.
Ugu yaraan 24,620 qof ayaa la dilay, 61,830 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israaโiil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7dii.