Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shir guddoomiyay shirka Degmooyinka gobolka kaas oo looga hadlay sidii sanadkan cusub ee 2023 horumara muuqdo oo la taaban karo looga hirgalin lahaa Caasimadda.
Shirkan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xogโhayaha guud ee Gobolka, Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka, Guddoomiyaasha Degmooyinka, iyo Agaasimayaal.
Shirkan oo ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose Xamar ayaa qodobadii looga hadlay waxaa kamid ahaa dardargalinta Amniga, kor u qaadista Daqliga, Nadaafada iyo Horumarinta isdhaxgalka Bulshada.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shirka ka sheegay in guddoomiye kaste iyo Agaasime kaste lagula xisaabtami doono masโuuliyadda uu shacabka u hayo.