Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah
    June 30, 2025
    Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada
    June 30, 2025
    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA
    June 30, 2025
    ๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: “๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐›๐š๐ซ๐ฐ๐š๐š๐ช๐จ ๐š๐ก ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐ฎ๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐š ๐ก๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ ๐š ๐š๐ก”
    June 30, 2025
    Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir
    June 30, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun โ€œCurashadii Maandeeqโ€
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    โ€˜Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyadaโ€™ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Dr. Osman Mohamud Dufle: Cagaarshowga waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dr. Osman Mohamud Dufle: Cagaarshowga waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka
GudahaHealthyMaqaalladaMind & BrainWararka

Dr. Osman Mohamud Dufle: Cagaarshowga waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka

By Kanaava Mohamed
Last updated: July 28, 2024
14 Min Read
Share

Cudurka cagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan, sidaas darteed sanad kasta 28 July waxaa loo asteeyay maalinta cagaarshowga aduunka (World Hepatitis Day) si bulshada caalamka loogu wacyi galiyo qatarta iyo ka hortaga cudurkaan halista ah oo sida aamusan dadka u dila (Silent Killer). Hal-ku-dhigga sanadkaan 2024 ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) waa โ€œWaa Waqtiga wax kaqabashada Cudurka Cagaarshawgaโ€ โ€œIt is Time for Actionโ€.

Cudurka cagaarshowga waxaa keena feyrusyo kala duwan kuwaas oo keena burbur iyo dhaawac ku dhaca unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaas waxaa ka mid ah: Virus A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E.

Cagaarshowga A ( Hepatitis A Virus โ€“ HAV).

Waa nooca ugu badan sanadkii wuxuu ku dhacaa tiro dhan 1.4 milyan, wuxuu ku badan yahay caruurta, dadka waaweyna wuu ku dhacaa, hab saf mar ah (Outbreak) ayuu leeyahay. Wuxuu ku badan yahay goobaha nadaafadoodu hooseyso dadka badan ay ku nool yihiin (Crowded area) sida xeryaha qaxootiga IWM.

Feyruska wuxuu soo raacaa saxarada, waxaana gudbiya gacamaha kadib marka la cuno cunto , khudrad , miro oo aan si fiican loo nadiifin iyo marka la cabo biyo aan nadiif aheyn oo jeermiga ku jiro.

Cagaarshowga A (HAV) marka qofka dhiigiisa galo ilaa calaamooyinka ka soo if baxayaan waxey qaadaneysaa mudo dhan qiyaastii 30 maalmood, xiligaas qofka saxarada ayuu ku gudbinayaa cudurkii ama feyruskii.

Noocan A dhaqso ayaa looga bogsadaa , wax raagis ahna ma yeesho (Chronic Form).

Cagarshowga Fayrus B iyo C

Guud ahaan Fayruska Cagaarshowga kuwa ugu qatarsan waa nooca B iyo nooca C. Waxaana la sheegay in 304 milyan oo qof ay qabaan ama la nool yihiin caabuqa cagaarshowga isagoo nooca raagista yeesha ah (Chronic Hepatitis). Sanadkii waxaa u dhinta 1.3 million isku jirkooda. Saddex kun iyo shan boqol (3,500) oo qof ayaa u dhinta maalin kasta labadoodaba, iyadoo 30kii il-biriqsiba hal qof u dhinto caabuqaan cagaarshowga, halka 6500 qof oo cusub uu ku dhaco maalintiiba caabuqa cagaarshowga B iyo C, taasoo ah in daqiiqaddiiba in ka badan 5 qof uu ku dhaco cudurkaas. Waxaa kaloo la shaeegay in 4tii qofood, 1 qof ka mid ah uu qabo cudurka cagaarshiowga HBV. 5tii qofna 1 qof kaliya ayaa hela daawo ku habon. Halka HCV sidoo kale 2dii qofba, 1 qof ayaa la nool HCV.6dii qofna, 1 qof ayaa ka bogsada HCV. Waxaa kaloo baaritaan lagu helay in 13% dadka qaba cudurka HBV nooca raagista yeesha (Chronic HBV). % 36 waxaa la la ogaaday iney la nool yihiin HCV (Chronic HCV).

Cagaarshowga B (Hepatitis B Virus โ€“ HBV)

Cagaarshowga noocaan waxaa keena feyrus B (HBV), wuxuuna ka mid yahay kuwa ugu qatarsan. Cudurkan waxa uu keenaa in qofka uu ku noqdo mid wakhti kooban haya (Acute) ama joogta ah (Chronic). Wuxuu cudurkaan horey ugu soo dhacay qiyaas ahaan 2 bilyan oo qof, waxaa cudurkan la nool ama qabta 254 milyan ( Chronic Infection) waxaa sanadkii u dhimata tiro ku dhow hal milyan.

Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo if-baxayaan waxay qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 75 maalmood. wuxuuna leeyahay raagis (Chronic infection).

Cagaarshowga nooca B wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dheecaanka qofka jiran marka uu gaaro dhiiga qofka fiyow sida:-

โ€ข Hooyada uurka leh oo cunuga u gudbin karta xiliga dhalmada (Maternal Child Transmission) gaar ahaan xilliga cunuga u dhlanayo (Perinatal Transmission) xiligaas oo ah kan ugu badan ee raagista yeesha 90% (Chronic HBV ).

โ€ข Dhiig ku shubid (taasoo waayahan yaraatay).

โ€ข Cirbid lagu duray qof jiran oo qof kale loo isticmaalo (Cirbadaha la wadaago),

โ€ข Qalabka ama Sakiinta Gar xiirka, madax xiirka oo wadar loo isticmaalo.

โ€ข Wuxuu ku gudbi karaa galmada (Sexual Intercourse).

โ€ข Wuxu kaloo ku gudbaa daawo dhaqameedka sida:-

โ€ข Dalqa goynta , qun goynta , ilka bixinta , gudniinka fircooniga , gudniinka raga si wada jir ah ,dhalma dhaqameedka , sarsarmada , toobinta oo intaba qalabka loo isticmaalayo aan la jeermis dilin.

Cagaarshowga nooca B waxaa halis u ah:-

โ€ข Bukaanada dhiig dareerka qaba (Hemophilia) oo mar kasta dhiig lagu shubo.

โ€ข Bukaanada kelyaha ka jiran oo la dhaqo (Renal Dialysis)

โ€ข Shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa sheybaarka

โ€ข Bukanada HIV qaba oo difaacooda hooseeyo.

Waxaa xusid mudan in cagaarshowga B (HBV) oo boqal jeer (100%) ka dhaqso badan yahay HIV xowliga fiditaanka cudurka.

Feyruskan cagaarshowga B, todoba maalmood ayuu dibada ku noolaan karaa asagoo waqtigaas ku gudbin kara cudurka.

Cagaarshoowga C ( Hepatitis C Virus โ€“ HCV).

Waxaa keena feyruska cagaarshowga C (HCV), tirada aduunka qabta cagaarshowga nooca C-ga waa 50 milyan qof ; sanad kasta tirade bukaanka cusub uu ku dhaco sanadkiiba waxey gaareysaa 1.3 milyan. Waxaana sanad kasta u dhimata 300,000 qof.

Feyruska cagaarshowga nooca C-ga waxaa la helay 1989, horay waxaa la dhihi jirey (non-A, non-B hepatitis) oo aan ahayn cagaarshowga noocyada A iyo B, taariikhdaas wixii ka horeeyay, wuxuu aad ugu gudbi jiray dhiiga dadka lagu shubo, asagoo keeni jiray cagaarshowga ka yimaada dhiig ku shubida (Post-transfusion hepatitis).

Wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dhecaanka qofka jiran marka uu gaaro qofka fiyow.

Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo if-baxayaan waxay qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 60 maalmood (45 -180 maalmood).

Cagaarshowga nooca C (HCV) wuxuu yeeshaa raagis (Chronic Hepatitis) 75% ilaa 80%, khatarta kale uu leeyahay waxaa ka mid ah in calaamooyinkii cudurka badanaa aysan soo If baxin 60% ilaa 80% (Asymptomatic), taas ayaa keentay magaca la siiyay oo ah dilaga aamusan (Silent Killer).

Calamooyinka Cudurka Cagaarshowga.

Calaamooyinka cudurka waxaa loo qeybiyaa 3 qeybood:-

Qeybta Hore :Waa xiliga cagaarkii wali soo if bixin (Pre-icteric Phase): Xiligaas bukaanka wuxuu qabaa calaamooyinka sida labo-labo , bog xanuun, madax xanuun, matag , cuntada uu qaadan kari waayo , daal badan,xumad, quun xanuun , murqo xanuun , xubno xanuun, shuban yar. Calaamooyinkaas waxay ay jiri karaan muddo dhan 10 ilaa 14 casho.

Qeybta labaad: Waa xiliga cagaarka muuqanaayo (Icteric Phase): Xiligan waxa soo muuqanaayo cagaarki indhaha , oogada, kaadida oo gaduud noqota sida shaah rinji ah (Dark Urine), saxarada oo midab cadaata iyo kor cuncun. Xanuun yar oo dhinaca beerka ku aadan iyo qanjiro barar. Calaamadahaan waxay jiri karaan muddo dhan 2 ilaa 3, 4 usbuuc.

Qeybta Sadaxaad: waa xiliga ka bogsashada cudurka (Convalescence phase):Xiligaan calaamooyinkii cudurka waa yaranayaan ilaa ay ka baabaโ€™aan sida cagaarka indhaha iyo oogada oo baabaโ€™aya, bukaanka waa ka soo fiicnaanayaan calaamadihii hore laakiin taas macanaheedu ma ahan in bukaanku ka reestay cudurkii balse beerkii wali waa dhaawacan yahay oo waa bukaa, waxeyna qadaneysaa bogsashadiisa buuxda muddo 2 ilaa iyo 4 bilood ah.

Dabka iyo Cagaarshowga:

Bulashada soomaaliyeed qaar badan waxay aminsanyihiin in cudurka cagaarshowga lagu daaweeyo dabka bukaanka la gubo.

Hadaba dabka iyo cudurka cagaarshowga haba yaraatee wax xariir ah oo ka dhaxeeya ma jiran.

Arintaas si cilmi ah hadaan u fasirno, waa tii horay aan u soo xusney sadaxdii qeybood ee calaamooyinka gaar ahaan xiliga cagaarka indhaha iyo oogada ay soo if baxdo in uu jiri karo 3, 4 ilaa 5 usbuuc kadibna ay baabi doonaan calaamooyinkaas oo dhan, hadabo waxaa isku soo beegmaya xiliga bukaanka la gubo iyo dhamaadka caadiga ahaa ee calaamooyinka taas ayaana keentay in dadka qaarkiis u qaataan in bukaanka uu dabka ku reestay , taasaana waxay keeneysaa in bukaanku dib u bilaabo socod iyo dhaqdhaqaaqiisii nolol maalmeed midaas oo sii xumeyn doonto xaalada caafimaad ee beerka ayadoo bilooyin kadib (6 bilood) uu cudurkii u gudbaayo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

Cawaaqibta Dambe ee Cudurka Cagaarshowga.

Cudurka cagaarshowga noocyada B (HBV) iyo C (HCV), wuxuu noqon karaa nooca cusub (Acute Hepatitis) iyo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

Cagaarshowga nooca B infekshankiisa cusub (Acute Hepatitis) badanaa waa laga restaa muddo kadib , waxana ugu wacan difaaca qofka 90%, halka 10% uu noqdo kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).

25% – 30% wuxuu u gudbayaa nooca beerka adkaada (Liver Cirrhosis) caloosha oo biyo galaan (Ascites) (15% – 25%) wuxuu u gudbaa kansarka beerka ku dhaca ( Liver Cancer โ€“ HCC).

Cagaarshowga nooca C (HCV) 75% – 80% wuxuu noqdaa kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis). 20% – 25% wuxuu u gudbaa beerka adkaada calooshana biyo galaan (Liver Cirrhosis) iyo kansarka beerka ku dhaca (Liver Cancer โ€“ HCC).

Ka hortago Cudurka Cagaarshoowga

Ka hortagga cudurka cagaarshowga waxaa muhim ah in laga fogaado qaabkii aan soo sheegnay uu cudurka ku gudbo.

Ugu horeen waa in la xoojiyaa nadaafada gacmaha cuntada ka hor iyo markii musqusha lagalo,waa in la xoojiyaa nadaafada guriga iyo musqusha, waan in si fiican loo mayraa qudaarta, waa in la ilaaliyaa nadaafada raashinka lacuno.Waxaa kaloo muhiim ah cirbadaha leesku duro,sakiinta garxiirka iyo cadayga ilkahain aan wadar loo isticmaalin, laguna tuurin dibadda. Sidoo kale waxaa muhiim ah qalabka loo isticmaalo ilka bixinta, dalqa goynta, quun-gooynta, gudniinka wiilasha, dhaga durista, uu nadiif yahay lana jeermi dilo taasoo laga helo xarumaha caafimaadka. Lamaanaha is-guursanaya waa in ay iska baaraan feyruska cagaarshowga nooca B.

Ka hortagga ugu muhimsan waa tallaalka cagaarshowga nooca A (HAV) iyo nooca B (HBV), oo ka hortagaya in cudurka cagaarshowga qofkuhaleelo wuxuuna siinayaa awood difaac oo joogto noqota.

WHO waxay xoogga saareysaa ka hortaga cagaarshowga nooca B (HBV) ee hooyadau gudbisodhallaanka, iyadoo la adeegsanayo tallaalka xilliga ilmaha dhalanaayo.

Sidoo kale Tallaalka Cagaarshowga B ee (HBV) 95-98% ayuu ka hortagaa in cudurkii u gudbo ama yeesho raagis (Chronic Hepatitis) ama u gudbo Beerka oo adkaada biyana galaan (Liver Cirrhosis) ama u beddelmo kansarka baniโ€™aadamka khatarta ku ah ee beerka ku dhaca (Liver Cancer).

Tallaalkaan nooca B ee (HBV) waxaa la soo saaray 1982 helitaankiisa waddamada soo koraaya waa ka wanaagsan yahay waqtiyadii hore, waxaana loo qaataa marka hore bil kadib 6 bil kadib ( 0, 1, 6),Ururka caafimaadka adduunka wuxuu ku daray oo laga mid dhigay tallaalada joogtada ah ee caruurta la siiyo (EPI) isagoo la raacsiiyey tallaalka DTP looguna magac daray Pentavalent kaasoo waddaankeena soomaaliya manta laga heli karo.

Talo-siinta qofka qaba cudurka cagaarshowga

Bukaanka qaba cudurka cagaarshowga waxaan kula talinayaa marka uu cudurka isku arko in durbadiiba uu la xiriiro dhaqtar, isla markaasna qaato talada iyo daawada uu siiyo dhaqtarka.

Ugu horeyntii waxaa la faryaaa:

โ€ข Nasasho dheer oo sariirta korkeeda uuku nasto, wax shaqo ahna uu ka fogaado muddo dhan ugu yaraan 3 ilaa 4 usbuuc.

โ€ข Raashinka: Qofku haduu afka wax ka qaadan karo waa in uu badsadaa qaadashada cuntada macaan ama malabka shinnida si uu helo tamar badan (energy). Dabcan arrimahaas aan soo sheegnay waa ka reebban yihiin qofka kaadi-macaanka qaba.

โ€ข Waa in uu aad u yaraystaa cunista subagga iyo cuntada shiilan. Brotiinka qiyaas ayuu u qaadan karaa. Waa in uu ka fogaado bukaanku cabidda khamriga , sigaarka iyo cunidda daawo aan dhaqtar u qorin.

Ugu dambeyntii waxaa ku soo gunaanadayaa in bulashadeena soomaaliyeed ay xoojiyaan ka hortagga cudurrada faafa iyagoo kordhinaaya wacyigooda caafimaad si loo helo bulsho caafimaad qabta. Waxaana hubaal ah in ka hortagga cudurrada ka wanaagsan yahay daaweynta.

 

W/D: Prof/Dr. Osman Mohamud Dufle

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Muqdisho(SONNA):-Maareeyaha Guud ee Hayโ€™adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa…

June 30, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

cabsi mar kale soo wajahday dadkii ku barakacay fatahaadii Wabiga Shabeelle

Muqdisho:(SONNA)-Saacadihii la soo dhaafay waxaa bilaawday cabsi xoogaan oo soo wajahay dadkaย ku haray degmada afgooye iyo deegaanada kale ee ku…

Wararka
July 28, 2020

ย Bulshada Banaadir oo iska hurgufeysa GARANWAAGA. (WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA):-Lix bilood oo dagaal adag lagula jiray Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ayaa kala kulmay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa…

MaqaalladaWararka
January 14, 2023

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐›๐ž๐๐๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š

Muqdisho:(SONNA) Raโ€™iisul Wasaraaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025-2029). Raโ€™iisul Wasaaraha,…

Wararka
March 17, 2025

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo lagu soo bandhigayay sidii looga…

GudahaWararka
April 24, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023