Muqdisho(SONNA):-Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya oo gudanaysa waajibka ka saaran badbaadinta dhiigga Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Qaranka ayaa amartay Ciidamo ka tirsan Ciidanka Qaranka oo loo geeyay Gobalka Jubada hoose in ay Kala wareegaan Atmis in ay halkaas dib uga baxaan.
Talaabada Dawladda ayaa timid ka gadaal markii uu go’aansaday eedaysane Axmed Madoobe in uu isku hallaago Wiilal Soomaliyeed oo Dhiigoodu uu qiimo badan leeyahay.
Ciidamada Xoogga Dalku ma qabin wax amar ah oo ay dagaal kula galaan cid aan ahayn Khawaarijta,waxaana ka goan in ay wadiiqo kasta oo suurtagal ah Ku gutaan waajibaadkooda Qaran ee ilaalinta Dalka Dadka iyo diinta.