Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukumadda federaalka Soomaaliya Dr,s Fowyso Abiikar Nuur oo marti ku aheyd barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa warbaahinta qaranka ayaa sheegtay in todobaadka 2-aad ee bilawga bisha soo socota dalka uu soo gaari doono tallaalka covid-19 kaasi ee ay soo saartay dowladda UK.
Wasiir Fowsiyo waxa ay sheegay in helidda talaalkaan ay soomaaliya ka caawineyso hayโadda Caafimaadka aduunka WHO oo soomaaliya ay xubin ku leedahay.
โWaxaan fileynaa in bilawga bisha soo socota uu dalka soo gaaro talaalka covid-19 oo ay naga caawineyso hayโadda caafimaadka aduunka WHO ayay tire wasiir Fowsiyo.
Wasiirka caafimaadka dowladda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegay in safiirka shiinaha ufadhiya Soomaaliya uu kala shaqeynayo helidda tallaal kale oo ay soo saartay dowladdiisa kaasi oo isna laga isticmaalay dalal badan.
โQorshaha helidda talaalka Covid-19 waxaan soo bilaawnay dhextaalka sanadkii tagay ee 2020 waxaana ka mid nahay dalal badan oo aan awoodin qarashka ku baxaya.
Tan iyo markii dalka laga diwaan geliyaya kiiskii ugu horeeyay covid-19 waxaa uu haleeyay ย 6,687 waxaa ka bogsootay 3,784 iyadoo tirada dadka ugeeriyooday ay gaartay 223.