Muqdisho.(SONNA)…Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Sadiiq Xirsi warfaa oo marti ku ahaa barnaamijka kulanka Todabaadka ee warbaahinta qaranka ayaa sheegay in si habsami leh uu u socdo barnaamijka Baxnaano oo loogu talagalay in lagu kaalmeeyo dadka danyara ah.
Wasiirka ayaa sheegay in mashruucaan uu yahay mid ay leedahay Dowladda Soomaaliyeed,isla markaana uu taageero ka heysto Bankiga aduunka waxaan bishii setember ee sanadkii tagay ee 2019 la soo marsiiyay golaha wasiirada ee Xukumadda Federaalka Soomaliya,iyadoo loogu talagalay in lagu taageero dadka saboolka ah eek u nool guud ahaan dalka.
Mudane sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliland ay ka mid tahay goobaha la geyn doono masjruucaasi,hase ahaatee ay ka duwan tahay maamulada kala oo si gaar loo qiimeyn doono.
Marshuucaan oo illaa hadda gaaray 17,666 qoys oo Soomaaliyeed,waxaa loogu talagalay in ay ka faa’ideystaan dad gaaraya 1. 3 milyan ,iyadoo laga fuliyay deegaano ka tirsan Maamulada Jubbaland,Koofur-galbeed iyo Galmudug,Halka Maamulada Hirshabeelle iyo Puthland ay la qorsheynaayo in dhawaan la gaarsiiyo.