Muqdisho (SONNA)-Wasiir Ku Xiggeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf sheikh Al-Cadaala oo faahfaahin ka bixiyey Howlgallo Jab Lagu Gaarsiiyey Khawaarijta Alshabaab oo Ciidanka Xoogga dalka iyo NISA oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ah ay 48 saacadood ee lasoo dhaafay ka sameeyeen Deegaanka Juxaay oo hoos taga Magaaladda Guulane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay isku aruursanayeen Argagixisada.
Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan lagu Dilay 88 Kamid ah Argagixisada oo isugu jira Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad, ilaa iyo haddana meydadkooda Ciidanka ay ka aruurinayaan dhulka howdka ah, waxaana uu xusay in jiraan Dhaawacyo fara-badan oo cadowga soo gaaray.
Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Al-Cadaala ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka ay gacanta ku dhigeen saanad Ciidan iyo Hub Fara-badan, kuwaasi oo argagixisada ay u adeegsan jireen dhibaateynta Shacabka.
Juxaay waa Deegaan istiraatiiji ah oo muhiim u ah howlgalada ka socda Goballada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana si buuxda Gacanta ugu dhigay Ciidanka Xoogga, iyaggoo halkaasi ka wada howlgallo Nadiifin ah.