Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada XFS Mudane Cali Xaaji Aadan ayaa Shixnad isugu jirtay Daawo iyo cunto kala wareegtay Safiirka safaaradda Masar ee Soomaaliya.
Shixnaddaan daawada ah oo gaareysa 239 tan ,waxaa soo gudbiyay Heyโadda Bisha Cas Masar oo kaashaneysa iyo Dowladda Masar.
Shixnaddaan oo ka kooban daawo iyo cunto,waxaa loogu talagalay in la gaarsiiyo bulshada ay saameynta ku yeelatay abaaraha ka jira Dalka.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada XFS Mudane Cali Xaaji Aadan ayaa ka mahadceliyay kaalmadaasi binโadanimo ee ay ku yabooheen shacabka iyo dowladda Masar.
Danjiraha Safaaradda Masar ee Soomaaliya Maxamed Siciid Albaas oo isna ka hadlay xafladdii gudoonsiinta ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay garab ku siinayaan la tacaalidda xaaladaha abaaraha ee ka jira dalka.