Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeeysay geerida ku timid Drs,Xaawo Cabdi
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeeysay geerida ku timid Drs,Xaawo Cabdi
Wararka

Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeeysay geerida ku timid Drs,Xaawo Cabdi

By Kulane
Last updated: August 5, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA)…Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta XFS Maxcamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Marxuumad Drs. Xaawa Cabdi Dhiblaawe oo ku dhimatay Magaalada Muqdisho.

Sii hayaha ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay si gaar ah xanuunka iyo Murugada ula qeybsaneyso qoyskii iyo ehelada ay ka baxday Marxuumadda.

Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta XFS Maxcamed Cabdi Xayir Maareeye,waxa uu marxuumad Drs.Xaawo Cabdi Alle uga baryey in uu Janatul Fardowsa ka waraabiyo,eheladii ay ka tagtayna waxa uu faray samir iyo iimaan.

Allaha u naxariistee,Drs Xaawo Abdi waxa ay aheyd hooyo Soomaaliyeed oo baal dahab ah kaga jirtay taariikhda Soomaaliya,waxaana lagu xasuusan doonaa adeegyadii xagga samafalka caafimaad ee ay u fidin jirtay danyarta Soomaaliyeed.

Tariikh nololeedka Allaha u naxariistee Drs. Xaawo Cabdi oo kooban

ย Allaha u naxariistee,Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe waxey ku dhalatay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka gaar ahaan degmada Cabdicasiis sannadkii 1947-dii.

Dr. Xaawo waxbarashadeedii dugsiga dhexe iyo sare waxay ku qaadatay magaalda Muqdisho, August 28, 1964-kii ay u amba-baxday dalka dibaddiisa oo ay culuumta caafimaadka kasoo diyaarisay waddamada Yaman,Masar iyo Ruushka.

Sannadkii 1971-dii ayay dib ugu soo laabatay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo shaqo ka billowday isbitaalladii dalka ka jiray waqtigaas oo ay ka mid ahayeen Digfeer, Madiina.

Dr.Xaawo Cabdi Dhiblaawe ayaa sidoo kale muddo 14-sano ah barre ka aheed kulliyada culuumta caafimaadk ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Burburkii kaddib Dr. Xaawo waxay dareentay in xaalad adag ay ka jirto qeybo ka mid ah dalka gaar ahaan deegaannada ku hareereysayn Caasimadda, waxayna xilligaas bilowday in ay sameeyso Isbitaal ugaar ah Haweenka, waxayna qolyar oo ay dumarku ku umulaan ka furtay inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye oo hadda loo yaqaano degaanka Xaawo Cabdi.

Allaha u naxariistee, Dr. Xaawo Cabdi kuma ekaan kaliya isbitaal in ay halkaas ka hirgeliso ee waxay dib u dejin u sameysay qoysas kusoo barakacay deegaanka ay isbitaalka ka furtay oo ugu dambeyn iyada loogu magac daray.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka sameeyay deegaanka Geel-gub

Muqdisho-(SONNA)-Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa…

GudahaWararka
April 9, 2025

Xog muhiim ah oo ay soo saartay UNICEF

Caalamka waxaa si weyn wel-wel ugu haya Corona Virus oo sababa cudurka Covic 19, si aad ah ayuuna ku sii…

MaqaalladaWararkaWargayska
March 16, 2020

Israa’iil oo weerar xagga cirka ah ku qaadday Gaza

Israaโ€™iil ayaa dhowr weerar oo xagga cirka ah ku qaaday marinka Gaza ee goโ€™doonsan maalin kadib markii ciidamada Israaโ€™iil ay…

Caalamka
January 27, 2023

Safaaradda JFS ee India oo goob joog ka ah dhageysiga dacwad loo heysto 35 Soomaali ah

Muqdisho(SONNA):-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa goob joog ka ah dhageesiga horgeynta Maxkamadeed ee muwaadiniin Soomaaliyeed oo gaaraya…

GudahaWararka
March 24, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023