Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomay deeq gargaar ah oo dowladda Imaaraadka Carabtu ugu talo gashay caawinta dadka ay saameysay abaartu.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay la wareegidda deeqdaasi ayaa u mahadceliyay dowladda Imaaraadka uga oo mae kasta garab taagan Shacabka Soomaaliyeed
Mudane Rooble, waxa uu sheegay sheegay in ay ka go’atahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah.
Dhinaca kale,Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Imaaraadka ka raalli galiyay dhacdadii bishii April ee sanadkii 2018-kii taasoo dalkaasi loogala wareegay lacag dhan 9-milyan oo doolar oo laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ballan qaaday in lacagtaas oo ku jirta gacanta dowladda lagu wareejin doono dowladda Imaaraadka waqtiyada soo socda.
Munaasabaada guddoonsiinta deeqdaasi waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka socda dowladda federaalka ee Soomaaliya, Dowladda Imaaraadaka iyo safaaradda.