Muqdisho.(SONNA)…Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shir ka dhacay Magaalada Muqdisho oo looga hadlay wax u qabashada deegaannada ay ka jiraan xaaladaha daran ee xagga bini’aadanimada.
Shirkaasi oo ay isugu yimaadeen guddiga Qaran ee xakameynta Covid-19,waxaa kaloo ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor),kaas oo ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Galmudug iyo saameynta Covid-19.
Shirkaan oo ahaa mid muhiim ah waxaa lagu go’aamiyay in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo deegaannada ay xaaladaha daran ka jiraan oo Galmudug ay kamid tahay.