Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dowladda Federaalka iyo hay’adaha samafalku oo walaac ka muujiyay xaaladda abaaraha ee ka sii daraya. 
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda Federaalka iyo hay’adaha samafalku oo walaac ka muujiyay xaaladda abaaraha ee ka sii daraya. 
Gudaha

Dowladda Federaalka iyo hay’adaha samafalku oo walaac ka muujiyay xaaladda abaaraha ee ka sii daraya. 

By Kulane
Last updated: April 11, 2021
3 Min Read
Share
Waddanka intiisa badan wuxuu wajahayaa biyo yari aad u daran, iyadoo in ka badan 50 degmo oo ay ka jirto  xaaladdo abaareed oo aad u daran sida lagu shaciyay qoraal wada jir ah oo ka soo baxay dowladda dhexe iyo heya’’adaha Sama-falka.
Welwelka la qabo waxaa sii kordhinaya  saadaasha xilli-roobaadka Gu-gga ee Abriil ilaa Juun 2021 oo markii labaad tusineysa mid ka hooseeya celcelis ah intii la heli jiray.
Saadaashu waxay muujinaysaa in xaaladda wadanku ay u badnaan doonto roob  la’aan ama la heli doono roob aad u yar ilaa todobaadka saddexaad ee bisha Abriil.
In ka badan 116,000 oo  qof ayaa biyo yari darteed u barakacay laga soo billaabo bishii Oktoobar ee sannadkii tegay. Haddii  xaaladdu sidan ku sii socoto gargaarka bini’aadamnimaduna uu ahaado mid xaddidan, waxaa laga cabsi  qabaa inuu dhaco barakac baaxad leh toddobaadyada iyo bilaha nagu soo aaddan.
“Ayadoo laga jawaabayo saameynta mashaqooyinka isbiirsaday ee waddanka ka jira, maanta ayay dadka  Soomaaliyeed ugu baahi badan yihiin in la taageero si ka duwan sidii hore.
Waxaan ka codsanayaa deeq  bixiyeyaasha iney si degdeg ah dhaqaale u bixiyaan, si loogu isticmaalo dedaallada lagula tacaalayo  saameynta abaaraha,” ayay tiri Wasiirka Arrimaha Bini’aadamnimada iyo Maareynta Masiibooyinka ee  Soomaaliya, Marwo Khadija Diriye.
“Waxaan wajahaynaa cunno yari baahsan, nafaqa darro, barakac iyo  cudurro. Dhaqaale Ayaan u baahannahay si dadka loo badbaadiyo, loo yareeyo dhibaatooyinka jira loona  helo macaawino ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.”
Xaaladda abaaruhu waxay lakab kale oo mushkilad ah ku kordhisay baahiyihii xad dhaafka ahaa ee horay u jiray, waqti ay bulshadu laa daalaa dhacayso saamaynta COVID-19, ayaxa, colaado hubeysan, xasillooni darro siyaasadeed iyo cunno yari baahsan.
Sicirka biyaha ayaa kor u kacay boqolkiiba 54 meelaha qaar, arrintan ayaa keeni karta saameyn aan la mahadin, maadaama ay dumarku ay ku qasbanaan doonaan iney masaafooyin dhaadheer biyo u doontaan ayna dhici karto iney baylah u noqdaan xadgudubyo lugula kaco.
“Waxaan aad uga walaacsanahay in baahiyaha hadda jira ay sii kordhaan ayadoo weliba dhaqaalaha aan  heli karnaa uu hoos u sii dhacayo.
Waan ka hortegi karnaa saameynta abaarta, laakiin waxaa loo  baahanyahay in hadda tallaabo degdeg ah la qaado annagoo ka faa’iideysaneyna waaya aragnimadii aan ka  dhaxalnay gurmadkii abaarta ee 2016/17,” ayuu yiri Isuduwaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee  Soomaaliya, Adam Abdelmoula.
“Qorshaha Ka-falcelinta Baahiyaha Bini’aadamnimada ee 2021 waxaa u  soo xarooday boqolkiiba 4.1 oo kaliya.
Inkastoo sama-falayaashu ay sameyn doonaan wax kasta oo suurtagal  ah si ay ula tacaalaan saameynta abaaraha, hadana waxaa lagama maarmaan ah in la maalgeliyo samafalka iyo dadaallada lagu dhisayo soo kabashada bulshada si ay isaga xajiyaan saameynta Cimilada is bedelaysa  ee waqtiga fog.”
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisulwasaaraha XFS oo magacaabay agaasimeyaal guud

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo…

GudahaWararka
October 11, 2025

Golaha shacabka oo maanta codka kalsoonida u qaadaya xukuumadda cusub

Muqdishu-(SONNA)-Xildhibaannada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta KMG-ka ah ee villa Hargaysa.…

GudahaWararka
October 24, 2020

Madaxweyne Farmaajo oo Xeer kasoo saaray ku takri-falka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud ee xilliyada Doorashada.

Muqdisho, (SONNA)Oct 27, 2021;Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hortagaya in lagu takri-falo hantida dadweynaha, si…

GudahaWararka
October 27, 2021

Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta gaaray magaalada Balcad+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar howleed ku tagay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe. Ra’iisul…

GudahaWararka
November 11, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023