Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo soo dhaweysay ansixinta qorshaheeda horumarinta amniga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo soo dhaweysay ansixinta qorshaheeda horumarinta amniga
GudahaWararka

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo soo dhaweysay ansixinta qorshaheeda horumarinta amniga

By Khadar Mahdi
Last updated: December 13, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):- Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa meel marinta iyo taageeridda Qorsheheeda Horumarinta Amniga ee Shirkii Amniga Soomaaliya ee ka dhacay New York shalay, 12-kii Diseembar 2023 , oo uu shir-guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Shirkan oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qatar, Sacuudiga, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska, Mareykanka, Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka soo qeyb galay 28 ka mid ah dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya.

Qorshaha Horumarinta Amniga waa himilada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah lahaanshaha iyo mas’uuliyadda buuxda ee amniga ka dib sannado badan oo qalalaase uu dalka ku jiray iyo haatan oo ay jirto dib u soo kabasho muuqata. Sidoo kale waa qorshe lagu gaarayo xasillooni siyaasadeed oo ka taaba gasha Soomaaliya. Waxaa ka mid ah in la dhiso ciidamo karti leh, lala xisaabtami karo, la awoodi karo oo daah-furan iyo hay’ado amni si loo xaqiijiyo gaarsiinta iyo joogtaynta amniga iyadoo lagu hagayo waajibaadka Soomaaliya sida waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Shirka Amniga ayaa lagu soo hadal qaaday horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa madaniga ee ka ymid shacabka is xilqaamey, taas oo keentay in dib looga la wareego argagixisada goobihii muhiimka ahaa ee ay muddo haysteen, isla markaana hoos u dhac uu ku yimid awooddii dhaqaale iyo mid ciidan ee kooxda argagixisada ee Khawaarijta Al Shabab. Waxa ay sidoo shirkan lagu xusay taageerada Ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo dalalka ay ka yimaadeen ciidamada kala duwan ee isugu jira milateriga iyo booliska ee Soomaaliya ka hawlgala.

Ka qaybgalayaashu waxa ay sidoo kale qireen bilawga dadaallada ku wajahan hannaanka dastuuriga ah ee loo dhan yahay iyo doorashooyinka, kororka dakhliga gudaha iyo ku biiritaanka Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Waxa kale oo ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo dardargelintan socota, waxayna xaqiijiyeen inay taageerayaan Soomaaliya xasilloon, dimuqraadi ah iyo barwaaqo.

Ansixinta Qorshaha Horumarinta Amniga ayaa ku soo beegmaysa maalmo uun kadib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu si aqlabiyad leh ugu codeeyay in xayiraadda laga saaro hubka ay helayso dowladda Soomaaliya iyo ciidamadeeda ammaanka, muddo badan 30 sano oo cunaqabateyn lagu soo rogay. Codbixintaas waxay ahayd tilmaan dheeraad ah oo muujinaysa kalsoonida beesha caalamka ee ku aaddan awoodda Soomaaliya ay u leedahay in ay si buuxda ula wareegto ciidamadeeda iyo hay’adaha amniga.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa ballan-qaadkii saaxiibada caalamka ee ahaa in ay taageerayaan dadaalladeeda amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha iyada oo doonaysa in ay dhisto Soomaaliya xasilloon oo barwaaqo ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey shirka isbadalka Cimillada Adduun ee QM

Nairobi (SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyay Meertada 6aad ee Shirka Qaramada…

CaalamkaGudahaWararka
February 29, 2024

Golaha Shacabka oo sharciga Xuquuqda Caruurta dib ugu celshay Xukuumadda

Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad…

GudahaWararka
January 15, 2024

Khawaarijta oo bur buriyay Masjid ku yaalo degmada Ceel-dheer si aan loogu tukan

Muqdisho.(SONNA):- Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa bur buriyay Masaajid Jaamicii degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay muddo badan gacanta…

GudahaWararka
January 18, 2023

Ra’iisul Wasaare Xamsa: Ma Aqbalayno in markale aan ku laabano doorashadii Teendhada

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaanta siinayso hirgelinta dhab-u-heshiisiin…

GudahaWararka
April 30, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023