Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Doorka qurbejoogta Soomaaliyeed ee dagaalka dalka looga xoraynayo khawaariijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Doorka qurbejoogta Soomaaliyeed ee dagaalka dalka looga xoraynayo khawaariijta
MaqaalladaWararka

Doorka qurbejoogta Soomaaliyeed ee dagaalka dalka looga xoraynayo khawaariijta

By SB
Last updated: February 16, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Qurbejoogta Soomaaliyeed waxay bulshadda Soomaaliyeed ugu jiraan kaalin muhiim ah,hore xiliyada abaarraha,ama ay dhacaan aafooyinka dabiiciga ah waxa gurmadka iyo garab istaaga ugu weyn laga heli jiray qurbejoogta Soomaaliyeed,sidoo kale waxa ku tiirsan qurbejoogta Soomaaliyeed nolosha kumanaan qoys iyo waxbarashadda kumanaan caruur Soomaaliyeed ah.

Maanta iyo doorka ay qurbejoogta ku leedahay dagaalka dalka looga xoraynayo kooxaha khawaariijta,qurbejoogta Soomaaliyeed ayaa door weyn kaga jira halganka ka soconaya gobolada dalka iyo deegaanada ay weli kusii dhuumanayaan kooxaha khawaariijta.

Qurbejoogta ayaa dhowr hab uga qayb qaatay dagaalka dalka looga xorraynayo iyagoo qayb ka ah in shacabka Soomaaliyeed la abaabulo laguna abaabulo sidii dalka looga xorreyn lahaa kooxaha khawaariijta.

Dhowaan culimadda Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ayaa taageeray qorshaha dib u xoraynta dalka iyagoo kasoo saaray bayaan cadaynaya in kooxaha khawaariijta af iyo gacan ba la isaga xoreeyo,sidoo kale shirweynaha culimadda Soomaaliyeed oo ka dhacay magaaladda Muqdisho ayaa waxa kasoo qayb galay culimo Soomaaliyeed oo isaga kala timid daafaha dunida kuwaas oo cadeeyey khawaariijta iyo waxa ay diinteena suuban ka qabto ayna waajib tahay in lala dagaalamo kooxaha khawaariijta.

Halgamaa Yoonis waa qurbejoog kasoo kicitimay dalka Ingiriiska si uu uga qayb galo halganka dagaalka ee dalka looga xoraynayo kooxda Khawaariijta” aniga oo nolol haysta kuna nool qurbaha wax aan u imid in aan xorowno oo ka xor ka noqono kooxda Khawaariijta iyo fikradahooda khaldan,intaas ayaa i keentay dalkayga maantana wax aan diyaar u ahay innaan u dhinto dalkayga anigoo raadinaya dowladnimo waarta” ayuu yiri Yoonis.

Yoonis ayaa sheegay in deegaanadda uu soo maray uu kusoo arkay wax ka baxsan nolosha aaddanaha taas oo ah in kooxda khawaariijta ay dhibaato ba’an u geysteen shacabkii ku noolaa deegaanada” waxay dhaceen xoollihii dadka,waxay dileen waxgaradkii deegaanka waxay xireen goobihii adeegyadda bulshada” ayuu yiri Yoonis.

July 24-keedii 2019 Qarax ka dhacay xarunta gobolka Banaadir oo sababay dhimashada guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo hawlwadeeno ka tirsanaa gobolka Banaadir ayaa dadkii ku shihiiday waxa ka mid ahaa Yoonis Aabihii oo dalka Maraykanka uga yimid in uu dalkiisa u shaqeeyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay kulan jaaliyadda qurbejoogta Soomaaliyeed ku qabteen dalka talyaaniga ayaa ku dhawaaqay qorshaha hal dollar ku daafac dalkaaga,qorshahan ayaa ah mid muwaadiniinta Soomaaliyeed kaga qayb qaadanayan sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan kaga qayb noqon lahaayeen dib u xorraynta.

Madaxweynaha ayaa kulan baaq ugu diray qurbejoogta soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dunida iyadoo qurbejooga isla goobta kaga dhawaaqeen in ay ajiibeen baaqa madaxweynaha kaalin muuqatana si weyn uga geysan doonaan halganka dib u xoraynta dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka oo daahfuray waraaqdda qiimaynta Caafimaadka

Muqdisho (SONNA)- Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa dib u casriyeen ku sameeyay xaashida dhaqtarka ee dhaawac Muujinta, taaso xoojinaysa…

GudahaWararka
September 12, 2020

Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Wakiilka cusub ee Hay’adda Qaxootiga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Dowlada Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Wakiilka cusub ee Hay’adda Qaxootiga Adduunka UNHCR u…

GudahaWararka
August 19, 2021

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay ahmiyadda qorshaha isbadalka Qaran 

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Daahfurka Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029…

GudahaWararka
October 16, 2024

Dowladaha Carabta oo si adag u cambaareeyey weerarkii khawaarijta ee xeebta Liido

Dowladaha Sacuudi Carabiya, Qatar, Baxreyn, Kuwait, Masar iyo Jordan ayaa si ayaa si kulul u cambaareeyay Weerarkii khawaarijta ay ku…

CaalamkaWararka
August 4, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023