Muqdisho(SONNA):-Doorashooyinka dalka Mareykanka ee Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah kuraasta sharci-dejinta ayaa maanta oo ay bishu tahay 5 November dadweynaha dalkaasi u dareeri doonaan, iyadoo ay ku tartamayaan madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ee xilligan Kamala Harris iyo madaxweynihi hore ee dalkaasi Donald Trump.
Tartankan u dhexeeya Trump iyo Kamala Harris ayaa ah mid aad u culus Marka la eego raโyi ururinta hordhac ah ee dadweynaha Mareykanka, taaas oo muujinaysa sida labada musharax ay aadka isugu dhowyihiin.
Dhankooda Soomaalida Maraykanka ee ku nool ayaa si dhow ula socda doorashada Maraykanka, waxaana laga dareemayaa ololaha ka socda magaalooyinka waawayn ee Soomaalida ku badan yihiin, iyagoo qaarkood sheegeen inay aad u daneynayaan siyaasadda arrimaha dibedda Maryaknaka iyo sida uu maalgashi xoogan Marayakanku ugu sameyn lahaa qaaradda Afrika.
Dhanka kale dalalka caalamka ayaa dhankooda indhaha ku eegaya doorashooyinka Mareykanka, maadaama Mareykanka saameyn toos ah ku leeyahay dagaallada ka socda meelo badan oo ay ugu horeeyaan Bariga dhaxe iyo dalka Ukraine.