Muqdisho (SONNA):,Dadweynaha ku dhaqan Gobolka Banaadir ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta ee loo qorsheeyay in ay ka dhacaan doorashooyinka golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir.
Xarumaha codbixinta oo gaaraya 523-goobood ayaa si rasmi ah u furmay 6;00am waqtiga maxaliga ah, waxaa lagu wadaa in ay soo xirmaan 6:00pm maqribnimo.
In ka badan Nus milyan ruux ayaa isu diiwaangaliyey doorashada, waxaana kaarka codbixinta qaatay 503,916 muwaadin, kuwaas oo saaka codkooda dhiibanaya.
ciidamada Boliska ayaa ku hawlan sugidda amniga ee goobaha loogu talagalay in ay ka codeeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo ku kala yaala 16 degmo oo ka mid ah gobolka Banaadir.
Waa doorashadii u horreysay ee toos ah Muqdisho ka dhacda in ka badan nus Qarni.
