Muqdisho-(SONNA)- Diyaar-garowgii shirka wada tashiga arrimaha doorashooyinka Qaran ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka & Madaxda Maamul goboleedyada oo lagu balansan yahay in uu maalinta berri ah ka furmo magaaladda Muqdisho ayaa meel gabogabo ah maraaya.
Guddiyadda farsamada oo maalmihii u danbeeyey oo dhan ku hawlanaa diyaarinta shirwaynaha Qaran ee arrimaha doorashooyinka Dalka ayaa intoodii badneed soo gaba gabeeyey hawlihii ay wadeen.
Waxaa la filayaa inay saacadaha soo socda magaaladda Muqdisho ay soo gaari doonaan madaxda Maamul Goboleedyadda ee ka qeyb galaya shirkan oo uu saldhig u yahay heshiiskii 17 September lagu gaaray magaalada Muqdisho.