Muqdisho,(SONNA):- Waxaa si habsami leh u socda diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee magaalada Baydhabo, kadib markii muddo kooban dib loo furay goobaha diiwaangelinta.
Xoghayaha Guud ee Guddiga, Mudane Xuseen Nuunow Cali, ayaa kormeer ku tagay goobaha ay ka socdaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo bixinta kaararka codbixinta ee magaalada Baydhabo.
