Gaalkacyo.(SONNA)…Maamulka dowladda Hoose ee Woqooyiga degmada Gaalkacyo oo kaashanaaya shirkado qaabilsan dhismaha waddooyinka ayaa wada qorshayaal dib loogu habeynayo horumarinayo waddooyinka burbursan ee nagaalada Gaalkacyo.
.Dib u dhiska lagu sameynayo waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Gaalkacyo ee dhanka Puntland ayaa waxaa lagu guuuleystay in laami la saaro waddooyin burbursanaa oo dhexmara bartamaha magaalada kuwaas oo u baahnaa dib u habeyn.
Qeybaha bulshada ee magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn u soo dhaweeyay dib u dhiska lagu sameeyay qaar ka mid ah waddooyinka magaalada, waxyna tallaabadaasi ku tilmameeen mid horumar leh oo dib u soo celineysa bilicdii ay lahayd magaalada.