Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa maalinimadii shalay si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay kulan aqoon kororsi ah oo ay ka soo qeyb galeen xirfadlayaal caafimaad oo isugu jira Somaali iyo Turki.
Safiirka Turkiga oo ka hadlay xafladdi furitaankaoo ka dhacday ย Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee Erdigaan ex Digfeer,ayaa ย hambalyo u jeediyay qeybaha dhallinyarada caafimaadka ee ka qeygaalaya kulanaasi,wuxuuna kula dardaarmay in hibadooda aqoooneed ay ku dabaqaan adeegyada caafimaad ee ay u hayaan shacabka.
Intii ay munaasabaddu socotey, dhakhaatiirta daโda yar ee Soomaaliyeed waxay soo bandhigeen aqoonta ay u leeyihiin ย ย xirfadaha caafimaadย iyo kaalinta ay ka qaadan karaan adeegyada lagama maarmanka u ah badbaadinta shacabka.
Turkiga waxa uu ย si weyn uga qeyb qaatay hagaajinta nidaamyada caafimaad ee Soomaaliya sida dib u ย dhiska isbitaalada, tababaridda ardayda caafimaadka iyo dhakhaatiirta Soomaaliyeed.
sanadkii 2015-kiiMadaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee Soomaali-Turki (ex Digfeer).