Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 12- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Dhahar,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada C/Casiis ay keensadeen 6 dhibcood.
Tartameyaasha labada degmoo eeย Dhahar iyo C/Casiisย ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.
Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkiiย Afar iyo tobnaadย oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankigaย IBSย iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
ย Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Dhuusamareebย iyoย Garbahaareeyย oo ka kala tirsan Gobolladaย Galgaduudย iyoย Gedo,