Muqdisho,(SONNA):- Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay ka doodista Arrrimaha la xiriirah Dastuurka ku meel gaarka ah JFS 12-kii bishii Febaraayo ee Sanadkan 2024 Wax-ka bedelka Dib u Eegista Dastuurka Afarta Cutub Ee ugu horeysa si ay u fahmaan shacabka Soomaaliyeed qodobada wax ka bedelka lagu semeyay iyo kuwa wax lagu soo kordhiyay Ee kujira cutubyada hore Dastuurka.
Cutubka koobaad ee Dastuurka ayaa waxaa uu ka kooban yahay ilaa Sagaal Qodob si la mid ah sidii u ahaa asalka Dastuurka,waxaana Toosi lagu Sameyay dhammaan qododbada iyo 21 farqadood,sidoo kale waxaa lagu soo kordhiyay Sagaal Faradood oo aan ku jiri asalka Dastuurka,iyadoo la-tiray labo farqadoodo ka mid ah Dastuurka.
Halkaan Hoose ka Dhageyso Warbixin Dhameystiran Oo ku Saabsan Dib u Eegista iyo Wax ka bedelka Dastuurka Si Aad Wax Uga Fahanto Dastuurka horyaala Labada Aqal Ee Baarlamaanka JFS oo ay doodisa socoto.