Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah
    October 19, 2025
    Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam
    October 19, 2025
    Codbixiyaal gaaraya 923,220-Qof, oo iska Diiwaangeliyay Gobolka Banaadir
    October 19, 2025
    Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga oo tababar uga furmay Muqdisho
    October 19, 2025
    Danjire Ilyaas Cali Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kinshaasa
    October 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: DF oo taageero caalami ah u heshay ciribtirka Khawaarijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > DF oo taageero caalami ah u heshay ciribtirka Khawaarijta
Maqaallada

DF oo taageero caalami ah u heshay ciribtirka Khawaarijta

By Dahir Aadan Cali
Last updated: June 6, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho.( SONNA):- Wakiilo ka kala socda dalalka Soomaaliya, Qatar, Imaaraadka Carabta, Turkiga, UK iyo Mareynkanka oo kullankoodii saddexaad ku yeeshay magaalad Dooxa ee caasimadda Dalka Qatar ayaa waxay ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinnacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha Bini-aadamnimada.

Kulanka oo dhacay isniintii shalay, ayaa saaxiibada kulmay waxay hoosta kaga xariiqeen arrimo badan oo muhiim ah oo ay ugu weyn tahay isku xirka dagaalka lagu ciribtiriyo kooxaha Khawaarijta argagixisada ah iyo kaalmada caalamiga ah ee dhinaca amniga.

Sidoo kale, Saaxiibada caalamka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku taageerayaan horumarka amniga iyo xasilloonida, waxaa kale oo kullanka looga dooday sidii kor loogu qaadi lahaa kalsooni dhiska iyo xoojinta hay’adaha Dowladda.

Waxa ay soo dhoweeyeen ka go’naanta dowladda Soomaaliya in ay xoojiso hay’adaheeda amniga, u diyaar garowga in ciidanka qaranka ay amniga si buuxda ugala wareegeen hawlgalka Midowga Afrika marka la gaaro bisha December 2024, si loo gaaro dhameystirka hawlahahan, waxa ay isku raaceen waddamada kulmay wafuudooda in ay xoojiyaan isku-duwidda dedaaalkooda, sidoo kalena la shaqeeyaan Dowladaha iyo hay’adaha kala ee caalamiga ee saaxiibka la ah Soomaaliya.

Waxa ay ka doodeen muhiimadda ay leedahay in dhammaadka sannadka ay isugu yimaadaan shir lagu dejinayo qorshe amni oo la xiriira sida loo joogteynayo amniga kadib sannadka 2024, sidoo kale, saaxiibada waxay falabqeyn kooban ku sameeyeen ahmiyadda ay leedahay hubinta xasilloonida waarta iyo wanaag laga hirgeliyo deegaannadii laga dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta Al-shabaab iyo sida ay uga go’an tahay saaxiibada caalamiga ah isku- duwidda kaalmo lagu xasilinayo deeganadaasi oo ah mid ay dowladda Soomaaliya hoggaamin doonto.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay balan qaaddey in ay sameynayso lana wadaagayso saaxiibada taageera hannaanka isku duwidda dedaalada xasilinta Soomaaliya.

Saaxiibadda waxa ay taageereen in Golaha wadatashiga Qaranka kordhiyo dadaalada dib u heshiisiinta siyaasadda iyo in la kala xadeeyo mas’uuliyaadka hay’adaha dowladda si loo hubiyo xasiloonida Soomaaliya .

Ugu dambeyntii, Dalalka Qatar, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Mareynkanka iyo UK ayaa isla qiray horumarka laga sameeyay dhinaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo dib u habeynta hay’adaha maaliyadda, waxayna qireen in dhabbaha lagu socdo Soomaaliya uu gaarsiin karo in laga cafiyo daymaha iyo in la helo qorshe dhaqaale oo lagu horumariyo dalka, dayn cafinta kadib.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa…

October 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xogta Jabka Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab (WARBIXIN)

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay fuliyeen Xoogaga Amaanka ee Dalka Costa Rica kuwaasoo sheegay inay gacanta ku…

GudahaMaqaallada
December 18, 2023

Saddex qoddob haddii wax laga qabto Dalkeennu isku filnaansho ayuu gaari karaa (Warbixin).

Muqdisho.(SONNA):- Kor u qaadista dakhliga iyo la dagaallanka masuq-maasuqa waa tallaabo dhanka horumarka loo qaaday oo Dowladda Federaalka ku tilaabsatay,indhaha…

Maqaallada
July 6, 2023

Sanadkan 2023-ka  Soomaaliya waxay gaartay guulo taariikhi ah (WARBIXIN)

Kadib markii la soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha Dalka Soomaaliya Dr: Xasan Shikh Maxamuud oo lagu soo doortay Teendhada Afisyoone…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
December 23, 2023

Soomaaliya oo dhaqaale ku garab istaageysa Walaalaha Turkiye (WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA):-Inta aan u guda galin dulucda qormada aan marka hore dib u jaleecno Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiye, waa…

GudahaMaqaalladaMuuqaallo
February 18, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023