Muqdisho(SONNA):-Hay’adda tayadhowrka Soomaaliyeed ayaa dekadda Weyn ee Muqdisho ku qabatay Kunteenar ay ku jiraan 249 Kartoon oo Taabuug ah kaas oo qorshuhu ahaa in lagu daroogeeyo dadka Soomaaliyeed.
Hay’adda tayadhowrka Soomaaliyeed ayaa ku wareejisay Ciidanka Boliiska, si waajibaadkooda uga gutaan.
Hay’adda ayaa markale adkeysay in aan Dekadda iyo Garoonka Caasimadda laga soo daji karin gebi ahaan waxyaabaha maanka dooriya.l, kuwaas oo dhibaato balaaran ku haya dhalinyarada Soomaaliyeed iyo bulshada Qeybaheeda kale.