Qeybtii hore ee Tartanka bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 22- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Xaradheere ,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Cadaado ay keensadeen 2 dhibcood.
Sidoo kale qeybtii labaad ee tartanka waxaa wareegga labaad ku soo baxay Degmada Hilawaa oo ku badisay 12-dhibcood,halka tartamayaasha Degmada Jilib ay heleen 6-dhibciid.
Tartameyaasha afartaasi degmo ayaa wjahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.
Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Baraawe iyo Wadajir oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Banaadir.