Addis Ababa (SONNA):- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xafiiskiisa Safaaradda JFS ee Ethiopia ku qaabilay dhiggiisa Dawladda Maraykanka ee Ethiopia Mudane Ervin Massinga, waxaana labada danjire kulankooda ku weheliyay Wakiilka Dawladda Marayanka ee Midowga Africa Ambassador Mikail Cleverley, iyagoo dood miro dhal ah ka yeeshay guushii taariikhiga ahayd ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay dhowaan ka gaartay qaadista cunaqabatayntii hubka oo sanado badan saarnayd Soomaaliya iyo sidoo kale shirka amniga Soomaaliya ee ka socda Washington.
Kulankan waxaa sidoo kale looga wada hadlay arrimaha dayn cafinta oo heer gebo-gebo ah maraya, waxaana Dawladda Maraykanku ay si rasmi u sheegtay inay si buuxda u garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Docda kale, Danjire Warfaa ayaa xafiiskiisa kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Boortaqiiska ee Ethiopia Luisa Fragoso, waxayna ka wada hadleen horumarka ay Soomaaliya ka gaartay arrimaha cuna-qabataynta hubka iyo dayn cafinta, iyagoo isla gartay xoojinta xiriirka labada dal.
Sidoo kale, Danjire Warfaa ayaa xafiiskiisa kusoo dhoweeyey hayโadda caalamiga ah ee SOAWR oo kamid ah hayโadaha u dooda xuquuqda aadanaha gaar ahaan xuquuqda haweenka, iyagoo bogaadiyay guulaha waaweyn ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay, waxayna caddeeyeen inay Soomaaliya kala shaqayn doonaan horumarinta xuquuqda aadanaha.