Qaahira (SONNA)- Ilyaas Sheekh Cumar Abu Bakar, Danjiraha dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Masar, sidokalana ah wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo guddoonsiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ย Saamix ย Shukri.
Ugu horeeyn Danjire Ilyaas ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Arimaha Dibada Dawladda Masar sida wanaagsan ee uu uqaabilay, waxuuna ย u ย gudbiyey salaan iyo bogaadin uu faray Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya, isaga oo ย sidokale u rajeeyey caafimaad iyo horumar guud ahaan Shacabka Masar iyo hoggaamiyahooda Madaxweyne ย Cabdel Fataax Al-Sisi.
Kulanka ย kadib ayuu safiirka Soomaaliya ย ee Masar sheegay in uu waxbadan ku soo kordhin doona ย xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya ย shacabka iyo madaxdaย labada dal.
Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa horay u soo noqday Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sucuudigaย iyo sidokale Safiirka Safaaradda Soomaaliiya ee Masar.