Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Danjire Hodan oo Lagu Martiqaaday Xarunta shirkadda Alibaba
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Danjire Hodan oo Lagu Martiqaaday Xarunta shirkadda Alibaba
GudahaWararka

Danjire Hodan oo Lagu Martiqaaday Xarunta shirkadda Alibaba

By SB
Last updated: May 10, 2025
2 Min Read
Share

Hangzhou(SONNA):-Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, oo ay wehlinayeen u qaybsanaha Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya, Mudane Guuleed Warsame, ayaa si rasmi ah loogu martiqaaday xarunta dhexe ee shirkadda caalamiga ah ee Alibaba Group ee magaalada Hangzhou.

Booqashadan muhiimka ah ayaa qeyb ka ahayd dadaallada safaaradda ee lagu horumarinayo iskaashi istiraatiiji ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray kobcinta ganacsiga, adeegyada tiknoolajiyadda casriga ah, iyo horumarinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Intii lagu jiray kulanka, Danjire Hodan waxay maamulka Alibaba la wadaagtay Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Soomaaliya (National Transformation Plan) – oo ah aragti qaran oo cusub oo ku dhisan horumarka bulshada, dhaqaalaha, iyo adeegyada dadweynaha. Waxay hoosta ka xariiqday sida qorshahan loogu talagalay in uu xoojiyo isbeddel dijitaal ah, dhiirrigeliyo maalgashiga, iyo kor u qaadista kaabeyaasha ganacsiga iyo adeegyada casriga ah ee dalka.

Kulanka waxaa si qoto dheer looga wada hadlay saddex meelood oo muhiim ah:

1. FinTech – sidii looga faa’iideysan lahaa teknoolojiyadda si loo fududeeyo loona sugo hababka lacag-dirista ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha;

2. Logistics – doorka Soomaaliya ee istiraatiijiga ah si ay u noqoto xarun muhiim ah oo loogu adeego suuqyada kala duwan ee qaaradda Afrika;

3. Tababarka Dhallinyarada Soomaaliyeed – sidii dhalinyarada loogu abuuri lahaa fursado lagu barayo xirfadaha Ganacsiga elektarooniga ah e-commerce si ay ugu helaan shaqooyin iyo fursado ganacsi oo casri ah.

Danjiraha ayaa u mahadcelisay maamulka sare ee Alibaba Group martigelintooda sharafta leh, soo dhaweynta diirran, iyo fahamka ay muujiyeen ee ku aaddan isbeddelka dhabta ah ee ka socda Soomaaliya. Waxayna ku dhiiri galisay Maamulka sare ee Ali-baaba in ay adeegyadaas horumarsan ee ganacsi gaarsiyaan Soomaaliya, si loo xoojiyo Wax isdhaafsiga Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝 𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐜 𝐰𝐚𝐚𝐰𝐞𝐲𝐧

Laascaanood(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Siddeed mashruuc oo…

GudahaWararka
April 13, 2025

Golaha Shacabka oo xilka u dhaariyay Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qoyska

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada…

GudahaWararka
November 13, 2025

Golaha Amniga Qaranka oo soo saaray awaamiir ku saabsan Xakameynta Hubka

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan…

GudahaSiyaasaddaWararka
July 19, 2024

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

𝑴𝒖𝒒𝒅𝒊𝒔𝒉𝒐, 29 𝑱𝒖𝒍𝒚 2025: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Aqalka Dowladda Hoose…

GudahaWararka
July 29, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023