Danjiraha Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beyjiin kaga qeybgalay shir looga hadlaayey horumarinta ganacsiga Digitel-ka ah iyo sida loogu baahin karo dalalka caalamka ee soo koroya.
Danjiraha ayaa ku ammaanay dowladda Shiinaha kaalinta hogaamineed ee ay ka gaartay xagga tiknolojiyada,isagoo tilmaamay in dalalka soo koraya ay lagama maarmaan tahay in ay ka faa’idaystaan khibradda ay leeyihiin dadka Shiinaha.
Danjire Cawaale Cali Kulane ayaa ka warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay Tiknoolajiyada gaar ahaan, dhanka Internet-ka iyo guud ahaan dadaalka loogu jiro adeegsiga aladaha casriga ah.
Danjiraha Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa ugu dambeyntii xasuusiyay Shiinaha iyo shirkadaha ka shaqeeya Tiknoolajiyada in Soomaaliya ay ka jiraan fursado ganacsi oo wax badan laga faaโidi karo.