Danjiraha JFS u qaabilsan Dalka Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Serbia Dr. Siniša Mali.
Inta kulanku socday waxaa looga hadlay Arrimaha deyn cafin (debt relief), qaabka casriga ah ee canshuur uruurinta(systematic tax collection), Wadashaqeynta Bankiyada labada dal, Isku xirka rugaha ganacsi ee labadda dal., xoojinta Wadashaqeynta ka dhexeysa Wasaaraddaha maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Serbia.
Dhowaan, Xarunta Safaaradda JFS ee Belgrade waxaa soo booqday Wasiirka Horumarinta Serbia Mudane Edin Đjerlek, halkaas oo uu kulan miro dhal ah kula qaatay Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed, kaas oo gogol xaar u ahaa kulanka maanta dhexmaray Mudane Dr. Siniš Mali iyo danjiraha.
Soomaaliya iyo Serbia ayaa leh xiriir Diploomaasiyadeed oo u muuqda mid sii xoogeysanaya.