Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dagaal ka dhex qarxay Khawaarijta waa calaamadda burburkooda(WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dagaal ka dhex qarxay Khawaarijta waa calaamadda burburkooda(WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Dagaal ka dhex qarxay Khawaarijta waa calaamadda burburkooda(WARBIXIN)

By Kulane
Last updated: January 7, 2023
7 Min Read
Share

Calaamaddaha lagu garto Kooxi marka ay burubureyso ama ku jabto dagaal ayaa waxaa ka mid ah:- Khilaaf, Iscaasin, ismaqli-waa, kala dhuumasho iyo kala shaki, waana astaanta ugu waaweyn, waxaana hadda laga warinayaa inay Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ay dhammaan qodobadaasi ay ay isku haystaan, waxaana ka hadlay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliya General Maxamed Biixi Tahliil, wuxuuna sheegay in Maleeshiyaadka Kooxda Argagixisada ah ee Khawaarijta ay hadda soo food saartay cabsi, wel-wel, Argagax, murunno xoog leh, is eedeyn, kala dambeyn laโ€™aan iyo qaar kaloo badan, taasi waxa ugu wacan jabka ay kala kulmeen Jiidaha Dagaalka oo looga awood roonaaday.

Taliyaha waxa uu hadalkaasi ka sheegay goob fagaar ah ee uu kula hadlayay Cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan howlgallada ka dhanka ah khawaaarijta ee ka socota dalka,isagoo sheegay in meel wanaagsan ay marayaan howlgallaadasi lana sii laba jibbaari doono dagaalka lagula jiro khawaarijta,wuxuuna tilmaamay in ciidamada lagu soo tababaray Eritrea qeyb ka ahaa, dhawaan soo gaareen dalka, ayna qeyb ka noqon doonaan howlgallada socda, si khawaarijta looga ciribtiro guud ahaan dalka.

โ€Ciidankii tababarka ku maqnaa Xooggiisu dalka ayuu soo gaaray, dagaalka Khawaarijta ayuu ka qeyb galayaa waxaa la soo baray si cadawga loola dagaalamo wayna idinla howlgalaayaan dhawaan,โ€ ayuu yiri taliye Biixi, isagoo hadalkiisa sii watana ย ayaa sidoo kale ciidamada kula dar-daarmay in ay wanaajiyaan hab-dhaqankooda iyo tan bulshada, qof walbana lagu abaal marin doono sida ay uga qeyb qaadato dagaalka dalka looga ciribtirayoย  khawaarijta Al-shabaab.

Dagaal u dhexeeya kooxda Khawaarijta ayaa ka dhacay deegaan hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo ka baxsaday deegaanka Dabagalo oo doonayey inay isu dhiibaan ciidanka dowladda ayay maleeshiyo kale ku dagaalameen agagaarka magaalada Camaara ee gobolka Mudug, Dagaalka oo socday ilaa iyo hal saac ayaa la sheegay inay ku dhinteen ilaa 7-ka tirsan maleeshiyada, iyadoo Qof goob jooge ah uu SONNA u sheegay inuu arkay maleeshiyada qaar ka mid ah oo la soo xirxiray, iyaga oo gaari saran, taasina waxay noqoneysaa calaamad weyn oo muujinaysa sida kooxdan argagixisada ah ay ugu jabtay dagaalada ka dhanka ah, islamarkaana ย aysana sii jiri doonin.

Kooxada khawaarjita ayaa hadda mareysa meeshii ugu dambeysay bur-burkooda kadib markii, dhexdooda katafatay, taas oo muujineyso dhammaadka kooxdan, waxaana la soo warinayaa in uu dagaal dhex maray Maleshiyaadka ka wada tirsan Kooxda argagixisada ah eek u sugan Deegaanno hoos yimaada Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, Dagaalka ayaa waxa uu ka danbeeyay ka dib markii maleeshiyaad ku dhow horjoogaha lagu magacaabo Muxudiin Daqare ay magaalada dhinac uga baxeen, ayagoo ka gadoodsan horjoogayaal kale oo jooga magaalada, waxaana ay isku dayayeen in ay ka goostaan dhulka ay Khawaarijtu joogaan, iskuna dhiibaan Ciidamada Soomaaliya, si ay naftooda ugala fakadaan, maadamaa la isku yimid oo meel lagu fakado aan la arkeyn.

Horjooge lagu magacaabo Nuunaale oo la sheegay inuu yahay horjoogaha haysta kooxda ay ugu yeeraan Jabhadda ka dagaalama Deegaanada Xarardheere ayaa la sheegay inuu amray in xoog lagu hor istaago maleeshiyaadka Khawaarijta ee baxsadka ahaa, waxaana intaasi ka dib qarxay dagaal socday mudo saacad ah oo labada dhinac ee Khawaarijta uu khasaaro dhimasho iyo dhaawac ahba uu ka soo gaaray, iyadoo Ruux ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Wakaaladda SONNA uu u sheegay inuu arkay maleeshiyaad ku geeriyooday dagaalka, kuwa ku dhaawacmay dagaalka iyo maleeshiyaad la qabtay oo la isku xir xiray laguna tuurayo Gawaari Dagaal.

Ku dhowaad 10-ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab ayaa ku geeriyootay dagaal ka dhex qarxay Khawaarijta dhexdooda oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobalka Mudug, waxaana Ilo xog ogaal ay Warbaahinta Qaranka u sheegeen dagaalka markii uu dhacay ka dib in Khawaarijtu amaro cusub ay ku soo rogeen maleeshiya iyo Horjoogayaasha Khawaarijta ah ee jooga magaalada Xarardheere iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug, amaradaasna waxaa ka mid ah:-

  1. In Gaadiidka nuuc kasta oo ay haystaan khawaarijta aanan laga dhaqaajin karin halka uu yaalo, ilaa amar danbe. Ayagoo ka baqdin qaba in Gawaarida ay haystaan lala goosto oo lala aado dhanka Ciidanka Dowladdu ku sugan yihiin.

2.In Maleeshiyo iyo Horjooge kasta ah oo Khawaarij ah halka lagu ogyahay uusan ka tagi Karin, iyagoo kala ilaalinaya in horjoogayaasha inay isku gudbaan, maadaama qaar laga shakisan yahay ay ku jiraan.

Wararka ka immaanaya Xarardheere ayaa sheegaya in dagaalkaan uu dareen ka dhex abuuray magaalada, madaama Horjoogayaasha maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee dagaalamay ay labaduba ka soo jeedaan deegaan ahaan gobalka Mudug, waxaana jirta tan iyo markii ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed ay u kaceen inay iska dulqaadaan Khawaarijta dooxatada iyo dhiig miiratada ah, lagana saaray in ka badan 50 magaalo ayaa wuxuu wal-wal iyo walaac xooggan soo wajahay horjoogayaasha khawaarijta ah.

Haddaba suโ€™aasha ayaa ah maxaa keenay inay dhexdooda uu dagaal gacan ka hadal uu dhexmaro Kooxda Khaaarihta ah?, suโ€™aashaasi jawaabteeda ayaa ah mid fudud oo si sahlan loo heli karo jawaabteeda, waxayna tahay in Maleeshiyaadka Kooxda iyo Horjoogayaashoodaba ay ku jabeen Dagaalkii dhinacyada badnaa ee ka koobnaa mid dhinaca Militariga ama Ciidan oo aad looga itaal roonaaday, mid dhinaca Dhaqaalaha ahaa oo laga soo xirxiray meelihii ay lacagaha ka abuuri jireen ama u soo mari jirtay iyo midka Fikirka ama wacyigalinta ku aadan maxay diintu ka qabtaa Kooxda, taasi oo lagu sheegay inay tahay ama loogu yeero magaca Khawaarij, ayaa waaxaa soo wajahay, islamarkaana uu ka soo muuqdo calaamadaha marka ay Kooxi burburayso, taasi oo ah ย Khilaaf, Iscaasin, ismaqli-waa, kala dhuumasho iyo kala shaki, waana astaamaha ugu waaweyn.

Waxaa kaloo muuqda in ay kaga soo dhammaaneyso joogitaankooda Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug, maadaama horey looga saaray Maamulka Hieshabeelle, hadana lagu guda jiro dib u xoreynta Deegaanada ka tirsan Gobolada Galguduud iyo Mudug oo ka tirsan Maamul-goboleedka Galmudug ayaa waxaa soo food saaray cabsi weyn, islamarkaana ay bilaabeen inay kala shakiyaan, kilaafna soo kala dhexgalo, leysna aamini waayo, waxaana jirta in aysan kala amar qaadan, waxayna markaasi keyneysaa in la kala dhuunto, arrimahaasi ayaa muujinaya koox burburkeed.

Waxaa diyaariyay C/laahi Ruush

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisal wasaare Xamsa iyo safiirka Sweden oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah

Muqdisho.(SONNA):- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Sweden u…

GudahaWararka
February 15, 2023

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka oo kulan la qaatay Madaxda Heyโ€™adda IHH ee dalka Turkiga

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha heyโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Maxamuud Macalin ayaa magaalooyinka Istanbul & Bursa ee dalka Turkiga kula kulmay madaxda heyโ€™adda IHH,…

GudahaWararka
January 2, 2023

Askar ka tirsan xoogga dalka oo tabar loogu soo xiray xerada Jeneral Dhagabadan eeย  Muqdisho

Muqdisho (SONNA): Waxaa maanta tababar ku saabsan fulinta howlgalada gaarka gaar ah loogu soo xiray xerada General Dhegabadan ee magaalada…

GudahaWararka
January 13, 2025

Kulanka Iskaashiga Deeq-bixiyeyaasha ee Dib-u-habaynta Nidaamka Garsoorka Soomaaliya oo lagu qabtay Nairobi

Nairobi(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS, Mudane Xasan macallin Maxamuud, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qaybgalay…

GudahaWararka
September 4, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023