Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Daadadka ka jira Bariga Afrika oo hoos u dhigay rajadii dadka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > Daadadka ka jira Bariga Afrika oo hoos u dhigay rajadii dadka
Caalamka

Daadadka ka jira Bariga Afrika oo hoos u dhigay rajadii dadka

By Kulane
Last updated: April 7, 2023
2 Min Read
Share

MUQDISHO.SONNA– Roobab mahiigaan ah iyo daadad ayaa baabi’iyay guryo iyo xoolo ku noolaa miyiga Itoobiya iyo Soomaaliya, taasoo meesha ka saartay rajadii laga qabay in laga soo kabsado dhibaatadii gaajo ee ugu darneyd ee soo marta bariga Afrika muddo tobanaan sano ah,gaar ahaan sadexdii sano ee u dambeysay.

Saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, daadad xooggan oo ku dguftay bariga Afrika ayaa dilay ugu yaraan 50 qof, waxayna ku qasbeen in ka badan 30,000 oo qoys inay guryahooda ka qaxaan, halka ay baabi’iyeen 21,000 oo hektar oo dalag ah iyo sidoo kale  dhimasho soo gaartay 10,000 oo xoolo ah .

mas’uul u hadlay Hey’adda Save the Children, ayaa yiri”Tani waa masiibo ku socota carruurta iyo qoysaska ku nool deegaannada Soomaaliya iyo Itoobiya ,kuwaas oo muddo saddex sano ku dhow sugaayry  roobab , markii ay da’eenna waxay qaadeen wixii yaraa ee ka haray dalaggii iyo xoolihii.

“Ma aha oo kaliya inaan u baahanahay inaan aragno maalgelinta caalamiga ah si wax looga qabto dhibaatada gaajada , waxaan u baahanahay maalgelin ku saabsan adkeysiga muddada-dheer ee bulshooyinka cimilada u nugul sida kuwaan oo kale.

Save the Children waxa ay ka shaqaynaysay Soomaaliya ilaa 1951 waxana ay haysaa barnaamijyo la xiriira taageerada daryeelka caafimaadka, waxbarashada iyo baahiyaha cuntada.

Sidoo kale Hay’adda Save The Children waxa ay ka shaqaynaysay Itoobiya in ka badan 60 sano iyada oo shaqadeedu ay diiradda saaraysay caafimaadka iyo nafaqeynta iyo sidoo kale gargaarka biyaha iyo nadaafadda iyo dhanka waxbarashada.

 Dhinaca kale,Qaramada Midoobay ayaa sanadkii hore ka digtay macaluul ku soo fool leh Soomaaliya oo wajaheysa abaartii ugu darneyd muddo afartan sano ah kadib shan xilli oo la waayey roobabkii la filayey iyo sidoo kale sare u kaca qiimaha cuntada iyo colaadaha ka jira deegaanada qaar.

Qiyaastii 345 milyan oo qof oo adduunka ah ayaa la saadaalinayaa in sanadkaan ay soo food saartay cunto yari – in ka badan laba jibaar tiradii 2020 -kii sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

 

 

 

 

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dadaallo xabbad-joojin ah oo socda iyo Israel oo duqeysay bariga Qaza

Hogaamiyayaasha Qatar, Masar iyo Maraykanka ayaa ku casuumay Israel iyo Xamaas inay 15ka Agoosto dib u bilaabaan wadahadalada xabad joojinta…

Caalamka
August 9, 2024

Guddoomiyaha golaha shacabka oo u hambalyeeyey guddoomiyaha cusub Baarlamanka Jabuuti

Guddoomiyaha golaha dhacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti…

CaalamkaGudahaWararka
March 6, 2023

15 qof ayaa ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay dalka Kenya

Kenya.(SONNA):- Dowladda Kenya ayaa sheegtay in maanta oo Arbaca ah 15 qof ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay dalkaas. Warka…

CaalamkaWararka
April 7, 2021

“Anigu waxaan ahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee Afrikaan ah taariikhda” – Samuel Eto’o

Afrika(SONNA)-In kasta uusan ku guuleysanin abaalmarinta Ballon d’Or muddadii uu ciyaarayay kubadda cagta, haddana halyeeyga reer Cameroon wuxuu dareensan yahay…

CaalamkaCiyaaraha
November 1, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023