Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wadahadlay maalgeshiga iyo tamarta cagaaran
    July 25, 2025
    Wasiirka gaashaandhiga XFS oo la kulmay wasiirka warshadaha difaaca dalka Azerbaijan
    July 25, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    July 25, 2025
    Taliyaha Ciidanka Badda oo ka qayb galay Bandhigga Carwada hubka ee lagu qabtay Istanbul
    July 25, 2025
    Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku soo qaaday deegaanada Sabiid iyo Caanoole
    July 25, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)
    July 25, 2025
    Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka
    July 24, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Go’aanada ka soo baxay shirka Culimada Soomaaliyeed iyo Cirib tirka Khawaarijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Go’aanada ka soo baxay shirka Culimada Soomaaliyeed iyo Cirib tirka Khawaarijta
Maqaallada

Go’aanada ka soo baxay shirka Culimada Soomaaliyeed iyo Cirib tirka Khawaarijta

By Dahir Aadan Cali
Last updated: January 28, 2023
9 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Culumada Soomaaliyeed ayaa si midnimo leh ummadda Soomaaliyeed ugu soo bandhigay baadinimada kooxaha Khawaarijta ficilada gurracan iyo afkaaraha qaldan ee ay faafiyaan iyo garab istaagga ay u muujiyeen Jihaadka dalka looga ciribtirayo.

Sheikh Cusmaan Usuuli oo ka mid ah culumada Soomaaliya ayaa sheegay in culumada iyo shacabkuba ay u midoobeen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta rajo wanagsanna ay ka qabaan in laga guuleysto.

” Khawaarij culumada Soomaaliyeed iyo shacabkuba waa u midoobeen mana sii jiri doonaan insha allah” ayuu yiri Sheekh Cusmaan Usuuli.

Sidoo kale, Sheikh Mustafa Yuusuf Cali ayaa cadeeyay in argagixisada dagaalka ay wadaan uusan ahayn dagaal ay Diinta iyo dalkaba ay ku difaacayaan, balse uu yahay dagaal ay ku bur burinayaan Diinta.

Dhanka kale, Sheikh Aadan Qudubi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si isku mid ah u go’aansadaan in ay iska dul qaadaan cadowga argagixisada ku dul habsaday,islamarkaana ayidaan jihaadka lagula jiro Khawaarijta.

Ugu dambeyntii, Sheekh Cabdulqaadir Soomoow ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray fariin ku aadan argagixisada.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa aan leeyahay Khawaarijta kusoo duushay Diinteenna yeeysan maalinba qof naga diline aan u midowna oo iska soo afjarno”, ayuu yiri Sheekh Cabdulqaadir Soomoow.

Culumada Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay howlgalladda xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, islamarkaana Al-shabaab iyo Daacish ay la mid yihiin cadowga Diinta islaamka.

Shirweynaha culimada waxa u ku saabsanaa ujeedooyin waaweyn:

  1. In kooxaha khawaarijta oo ay ugu horreeyaan Khawaarijta Al-shabaab iyo Daacish aysan lahayn wax sharciyad diineed ah iyada oo la burinayo fasiraadaha gurracan ee aan salka laheyn diinteena Islaamka;
  2. Sharciyad-siinta Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo shacabkeeda dagaalka jihaadka ah ee ay kula jirto Khawaarijta Al-shabaab iyo Daacish kuwaas cadow ku ah diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
  3. Cadeynta in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mas’uul ka tahay guud ahaan ilaalinta iyo daryeelka diinta Islaamka.
  4. Dhismaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed iyada oo laga dhigayo hay’ad ka mid ah hay’adaha dawlada oo leh xeer la marsiinayo habraacyada dastuuriga oo ku saleysan la tashiyada qayb ka kala yimid culimada Soomaaliyeed.

Go’aannada Shirweynaha:

Shirweynaha wuxuu isku raacay ujeeddooyinkii shirka ka dib markii uu yeeshay doodo iyo aragti wadaag mirodhalay oo dib loogu milicsaday axkaamta iyo mabaadii’da diinta Islaamka iyo ujeeddooyinkeeda waaweyn, qoddobada soo socda;

  1. Shirweynaha ayaa isla qaatay in Culimada Soomaaliyeed ay si walaaltinimo & isku duubni ah ugu adeegi doonaan diinta & Ummadda, arrimaha la isku khilaafsan yahayna loo xallinayo si cilmi & caddaalad ah.
  2. Shirweynaha wuxuu isku raacay in Alshabaab, Daacish, Shiicada iyo kooxaha la midka ah ay yihiin kooxo habawsan oo ah cadowga diinta Islaamka iyo Ummadda Soomaaliyeed.
  3. Shirweynaha wuxuu isku raacay in aysan bannaaneyn in la faafiyo afkaartooda gurracan ee kooxaha kor ku xusan waana xaaraan in lagu taageero xoog, xoolo ama xog ama cod midna.
  4. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu cod mideysan ugu sheegayaa Ummadda Soomaaliyeed in Kooxda Al-shabaab iyo Daacish ay yihiin dembiileyaal Khawaarij ah oo qofkii ka dhintaa uu dhiiggiisu qiimo laheyn (hadur yahay) waxaana waajib nagu wada ah in aan la dagaallanno; qofkii la dagaallama ama ku dhinta dagaalka lagu jiro Khawaarijta waa shahiid loo rajeynayo in uu soo galo dadkii uu Rasuulkeenna, naxariis iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee, uu ku sheegay in ay Janno u sugnaatay:

} ُطوبى ِل َم ْن قَتَلَھم وقَتَلوه{

  1. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu isku raacay in la macaamilka kooxaha Khawaarijta ah, nooc kasta uu yahayba sida xoolo-siinta, garsoor u doonasho iyo in la qariyo qof iyaga ka mid ah, uu xaaraan yahay kana soo horjeedo dhaqanka suuban ee diinteennu na fartay:

4 ﴿ وتَعاونُوا علَى ا ْلب ّر والت َّ ْقوى و َلا تَعاونُوا علَى ا ْلإثْم وا ْلع ْدوان وات َّقُوا  َّH إ  َّن  َّH َش ِدیدُ ا ْل ِعقَاب﴾ َََََََََََََُِِِِِ ََِ ِ

  1. Shirweynaha wuxuu ku isku raacay in qofkii la wadaaga Dawladda xogta Khawaarijta uu ajar uga helayo Alle agtiisa maadaama uu ka qeybqaatay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.
  2. Shirweynaha wuxuu u caddeynayaa Ummadda Soomaaliyeed in dagaalka lagula jiro Khawaarijta uu yahay jihaad lagu difaacayo maqaasidda waaweyn ee Shareecada Islaamka: badbaadinta diinta, nafta, hantida, caqliga, iyo sharafka qofka aadanaha ah.
  3. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed, isaga oo ka ambaqaadaya in diintu ay tahay arrin si isku mid ah u taabanaya muwaadiniinta Soomaaliyeed, wuxuu caddeynayaa in Culimada Soomaaliyeed oo isku duuban ay Dawladda ku garab taagan yihiin dadaalka ay ku horumarinayso hannaan lagu ilaalinayo diinta Islaamka isla markaasna waxaan isku raacnay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mas’uul ka tahay ilaalinta diinta.
  4. Shirweynaha wuxuu isku raacay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay billowdo iyada oo si degdeg ah u dhammeystireysa diyaarinta hannaankii iyo sharcigii lagu dhisi lahaa Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed oo noqonaya weelkii lagu ilaalin lahaa diinta isla markaasna ka mid noqonaya Goleyaasha Dawladda una madaxbannaan gudashada waajibaadka iyo hawlaha loo igmaday.
  5. Shirweynaha wuxuu ku dhawaaqay in Ummadda Soomaaliyeed ay tahay shacab sunni ah marka laga reebo kooxaha khawaarijta ah iyo kuwa la midka ah (Al-shabaab, Daacish, Shiico, iyo kuwa Ummadda si guud u gaaleysiiya) kuwaas oo aan la oggoleyn in fikirkooda lagu faafiyo gayiga Soomaaliyeed.

11.Shirweynaha wuxuu isku waafaqay in ku dhaqanka Shareecada Islaamka gaar ahaan fiqiga uu gundhig u noqonaya mad-habka Shaaficiga kaas oo Culimadu isku raacsan yihiin in uu taariikh fog ku

]المائدة:2[

leeyahay gayiga Soomaaliyeed iyada oo madaahibta kale ee Sunniga ah laga faa’ideysan karo marka ay baahi timaado.

12.Shirweynaha, isaga oo ka duulaya in Ummadda Soomaaliyeed ay af, dhaqan, diinba ka mideysan yihiin, ayuu xoojinayaa in Islaamka ay Ummadda Soomaaliyeed ku dhaqanto uu mid yahay iyada oo magacyada kala duwan yahay ee Culimadu isku aqoonsadaan ay yihiin sida magacyada uu waalidku ula baxo ilmihiisa isla markaasna wixii lagu kala aragti duwan yahay la isku ixtiraamayo loogana doodi karo si cilmiyeysan oo aan midnimada waxba u dhibeynin.

13.Shirweynaha, isaga oo dareensan in dawlad-dhiska Dalka uu ragaadiyay khilaaf siyaasadeed, ayuu Madaxweynaha Soomaaliyeed Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ku adkeynayaa in uu xil gaar iska saaro dhammeystirka Dastuurka KMG ah oo dib-u-eegistiisu ay qaadatay muddo aad u dheer maadaama xasiloonnida siyaasadeedee Dalka ay ku xiran tahay dastuur dhammeystiran.

14.Shirweynaha wuxuu isku raacay in Culimada Soomaaliyeed ay sannad kasta yeeshaan shir sannadeed looga arrinsanayo arrimaha diinta ee Dalka.

Shirweynaha bogaadin kasoo baxday shirweynaha.

  1. Shirweynaha wuxuu ku bogaadinayaa Madaxweynaha J.F.S. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud in uu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee la yimaada aragti bisil oo dib u heshiisiinaya Dawladda, Diinta iyo Culimada isaga oo ka tacsiyeeyay dhacdadii xanuunka badneyd ee lagu laalay culimada 23 Jannaayo 1975.
  2. Shirweynaha wuxuu ku dhawaaqayaa in uu gebi ahaanba uu meesha ka baxay shakigii iyo kalsooni-darradii kala dhex taallay Dawladda, Diinta iyo Culimada shirkaan ka hor.
  3. Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu ku bogaadinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dadaalka uu geliyay la dagaallanka Khawaarijta (Al-shabaab iyo Daacish) wuxuuna ku adkeynayaa Dawladda in ay awooddeeda isu geyso ciribtirka fikirka xagjirka ah iyo horumarinta mabaadii’da diinteenna suuban ee ku aaddan ilaalinta xasiloonnida, is- aqbalaadda iyo wada-noolaanshaha.
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wadahadlay maalgeshiga iyo tamarta cagaaran

Baku(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa wadahadal dhinacyo badan taabanaya…

July 25, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wax ka Ogoow Diyaaradda Bayraktar Akinci

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan…

GudahaMaqaallada
April 5, 2025

Ha fududeysan Diigniinahan ku aadan El-Nino (WARBIXIN)

Roobab mahiigaan ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ka da’aan dalkeenna, si gaar ah goobaha laga cabsi qabo waxaa…

GudahaMaqaallada
October 10, 2023

Ra’iisul-wasaare Xamsa iyo Safarka Midnimada iyo Nabada (WARBIXIN)

Shalay oo Sabti aheyd Taariikh-duna aheyy 12/4/2025-ka waxaa magaalada laascaanood oo ah caasimada Maamulka Khaatumo state tegay Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyada…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
April 13, 2025

Soomaaliya oo taageero Militari u heshay wajiga -2aad ee dagaalka Khawaarijta (WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA)--Mareykanka ayaa kordhinaya kaalmada milateri ee uu siiyo Soomaaliya xilli uu dalku guul u arko in uu la dagaallamayo waxa…

GudahaMaqaallada
March 4, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023