Muqdisho(SONNA):-Banaanbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil kula kacday Midnimada Soomaaliya oo Culimada Soomaaliyeed ay soo abaabuleen ayaa hadda ka socda Taallada Dajirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.
Banaanbaxan ayaa waxa ka qayb gelaya qaybaha kala duwan ee bulshadda,maamulka gobolka Banaadir,bulshada rayidka iyo madax kala duwan iyadoo halkaas shacabka iyo madaxduba ku soo bandhigayaan siday uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil sidoo kalena diyaar ugu yihiin difaaca midnimada Soomaaliya iyo ilaalinteeda.
Culimada waaweyn ee dalka oo dadweynaha la hadlay ayaa si weyn carabka ugu adkeeyey siday waajibka u tahay difaaca midnimada dalka ugu horayn Sheekh Cali Wajiis oo goobta ka hadlay ayaa yiri”Culimada Soomaaliyeed saaka waxay iskugu soo baxeen in ay dadka ka wacyi geliyaan dhagarta Israa’iil ay la damacsan tahay kala goynta .”
Sidoo kale Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo goobta kula hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa yiri “Maanta oo kale, madax, culimo iyo shacab waxaa la gudboon in aysan u kala harin ka hortagga burburka ay nala damacsan tahay Israa’iil.”
Sheekh Cabdullaahi Axmed ayaa isaguna si adag u sheegay in Dadka Soomaaliyeed ma aqbali doonin in Israa’iil ku soo xadgudubto midnimada dalkeenna.
Guddoomiyaha Ku-xigeenka midowga golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa isaguna yiri “Haddaan nahay Islaam, walaalo ma nihin Yuhuuda, mana yeeli doono in nagula soo xadgudbo.”
Ugu dambayn Guddoomiyaha midowga golayaasha Culimada Soomaaliyeed Sheekh Suufo Yare oo la hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa yiri “Culimada Soomaaliyeed maanta waxay sameynayaan bannaanbax isugu jira socod dheer iyo isu-imaatin culimo, si aan u muujinno mowqifka culimada ee ah ilaalinta midnimada ummadda.”

