Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Cududdii dhameystiri laheyd Khawaarijta oo soo bilowday (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Cududdii dhameystiri laheyd Khawaarijta oo soo bilowday (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Cududdii dhameystiri laheyd Khawaarijta oo soo bilowday (WARBIXIN)

By Kulane
Last updated: January 7, 2023
7 Min Read
Share

Beryahaan waxaa hadal heyn weyn ka jirtay soo bilaabashada Dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku maqnaa Dalka Eretareeya, kuwaasi wel wel weyn ku haayay Waalidiin badan oo Ubadkooda ay la daristay Hubanti la’aan noloshooda ah muddo dhowr sanadood aheyd, wax badanna looga wada hadlay sidii ay ku baxeen iyo ujeedada laga lahaa intaba, ugu dambeyntiina waxaa so af jaray arrimhaasi Madaxweynaha JFS Dr Xasan Shiikh Maxamuud oo dhawaan sheegay inay Dhallinyaraasi iyagoo Ciidan Soomaaliyeed ah iman doonaan Dalka Dhammaadka Bisha Disimber ilaa horraanta Bisha Janaayo ee sanadaka soo socda ee 2023-da, waana soo bilowdeen, maalmahaan oo dhan ayay ka soo degaayeen Garoonka aaden Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana la dhihi karaa waxa uu fuliyay Madaweyne Xasan Shiikh Ballankii uu ka qaaday Waalidiinta.

Ciidamada lagu soo tababaray Eretareeya ayaa isugu jira Ciidanka Lugta, Badda, Cirka iyo Farsamo yaqaanno dayactira Gawaarida, Doonyaha iyo Diyaaradaha yar yar, waxayn qabaan tababar aad u adag, waxaana laga filaa inay aqoontii ay soo barteen ay ku dabaqaan dagaalada haatan ka socda Dalka ee lagula jiro Kooxda Argagixsada ah ee Shabaab.

Imaashada Ciidan waxaa ugu horreyntii ka hadlay Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya mudane, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa sheegay inay dhawaan dalka soo gaareen qeybtii ugu horeysay ciidammadii tababarka ugu soo dhamaaday dalka Eritrea, wuxuuna xusay in Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Mxamuud uu dadaal badan ku bixiyay sidii ciidamadasi dalka dib loogu soo celin lahaa, si howlgallada socda uga qeyb qaadan lahayeen, isagoona timaamay in maalmaha soo socda la soo dhammaystiri doono ciidammada wali ku haray Dalka Eritrea.

Imaanshaha ciidammadan ayay fursad wanaagsan u tahay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, islamarkaana ay sii ballaarinayso jabka gaaray bilihii u dambeeyey, Ciidammadan soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Saraakiil Ciidan.

Madaxweynaha oo soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa hoosta ka xariiqay in kooxda Khawaarijta laga xoreeyay dhammaan degaannada gobolka Shabeellaha dhexe,islamarkaana maalin ka hor ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ay la wareegeen degmada Ruunir-Good ee gobolkaasi, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka degaanka ay isku diyaarinayaan dagaal ka dhanka ah Khawaarijta, kaas oo looga sifeynayo Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo hadda abaabulkooda uu socdo.

“ Degmadii ugu dambeysay ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa la xoreeyay, 5-ta degmo ee gobolka Hiiraan waxaa xor, galmudug waxyar ayaa nooga dhiman , Koonfur Galbeedna ciidamadii ka dagaalami lahaa furimaha dagaalka ayaa la geeyay, kuwo kale hadda ayaa u wadnaa,” ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa hadalkaasi sheegay mar uu khudbad ka jeediyay Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, ayaa dul istaagay guulaha laga gaaray halganka dib u xoreynta dalka iyo ciribtirka Khawaarijta

Dhinaca kale Ciidanka xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo dhawaan ka dhacay deegaanka Ceel-Bacad ee gobolka Shabeellada dhexe ku dilay 67 ka mid ah Khawaarijta Al-shabaab, isagoo Taliyaha ciidanka Lugta General Maxamed Tahliil Biixi ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay dagaalkaasi ka dhacay Ceel-Bacad,wuxuuna intaa ku daray in ay tiro intaa ka badan lagu  dhaawacay dagaalkaasi, wuxuuna ugu dambeyntii sheegay in ay socdaan howlgallo isdaba jog ah oo lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta,isagoo ku taliyay in kooxahaasi ay isa soo dhiibaan inta goori goor tahay,si ayuu yiri loo badbadiyo dhallinyarada la marin habaabiyay.

Wararka laga helaayo Taliska Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM ayaa sheegaya inay Lix Xubnood oo ka tirsan Kooxda Khawaarijta ah ee Shabaabka looga dilay meel Magaalada Muqdisho dhinaca waqooyi kaga beegan qiyaastii 240km, kana tirsan Deegaan ahaan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Ciidamada Xoogga dalka iyo Xoogagga dadweynaha ayaa dhawaan gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe kala wareegay Khawaarijta Al-shabaab, sidaasina waxaa SONNA u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood, una  xaqiijiyay in ay ciidamadu la wareegeen guud ahaan degmada muhiimka ah ee  Ruun-nirgood, islamarkaana hadda ay socdaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga degmada.

Genaraal Caanood ayaa xusay in dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay deegaannada Juxa,Al-naciim, Alkowsar iyo kuwo kale lagu dilay 150 maleeshiyaad ah oo ay ku jireen 5 xubin oo ajanabi ah, halka uu tilmaamay in la hayo 15 maxbuus, Taliyaha ayaa ugu hambalyeeyay dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha ay ku tallaabsadeen Ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka,wuxuuna intaa ku daray in ciidamadu ay isu diyaarinayaan xorreynta degmooyinka Ceeldheer,Ceelbuur iyo Xaradheere.

Degmada Ruunirgod ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa qiyaas ahaan u jirtaa magaalada Muqdisho 264 KM, waana degmo dhacda Xadka kala qeybiya Galmudug iyo Hirshabelle dhanka xeebta, la wareegga Ciidanka waxay sii dhiirigalineysaa in loo sii gudbo wajiga labaad ee Dagaalka ka dhnka ah Khawaarijta, kaasi oo ka bilaabanaya Gobolada Galguuud iyo Mudug.

Waxaa kaloo jira howlgallo kale oo ka socda Gobolka Shabeelada Hoose, kaasi oo maalmahaan sii laba lixaadsaday, waxaa ujeedkiisu yahay ina dib loogala wareeggo kooxda Khawaarijta deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolkaasi, waxaa socda dadaal la isugu furaya Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose, maadaama horey la isugu furay Gobolada Hiiran, Shabeelada Dhexe iyo Banaadir.

Hadaba maadamaa ay jiraan guulo waaweyn ee laga gaaray goobo badan, laguna xoreeyay goobo iyo Deegaanno badan, ayna waxaa soo bilowday Ciidamadii tababarka u jiray Dalka Eretareeya, qaarkoodna ay yimaadeen Magaalada Muqdisho, una diyaar ah ka qeybqaadashada Dagaalada ka socda Dalka ayaan waxaa dhihi kartaa ISHII BUKTAAY KU BIKAACSO. marka waxaa soo bilowday Awooddii dhameystiri laheyd ka takhalusidda Kooxda Khawaarijta ee Shabaab.

SONNA Editorial.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shaaqalaha Wasaaradda Waxbarashada oo tababar loo soo xiray “SAWIRRO” “SAWIRRO”

Agaasimaha Shaqada, Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarshadda, Hiidaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Muuse Xoosh ayaa tababar u soo…

GudahaWararka
May 8, 2021

Jaamacadda Carabta oo si buuxda u cambaareysay faragelinta Israa’iil ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Jaamacadda Carabta ayaa si xooggan u caddeysay taageerada ay u hayso midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabadan lagu…

GudahaWararka
December 30, 2025

Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada XFS oo sheegtay in Khawaarijta ay Mustaqbal la’aan dhigayaan Jiilalka soo socda.

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Khadija Maxmed Al-Makhzumi oo sheegtay in Khawaarijta Al Shabaab ay Mustaqbal…

GudahaWararka
January 26, 2023

Maamulka G/Banaadir iyo taliyaha ciidamada Boliiska oo la kulmat taliyaasha saldhigyada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdi Maxamedd Xasan Xajaar,ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay…

Gudaha
June 10, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023