Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo qorsheysan Ka fuliyay Koonfurta deegaanka Masaale ee Gobalka Shabeellada dhaxe.
Howlgalladaan oo si gaar ah ay u fuliyeen Ururka 171aad ee kumaandoosta Gorgor,waxaa uu ahaa mid la xiriiray sugidda nabadgelyada iyo sifeynta kooxaha khawaarijta oo mararka qaar ku soo fhuuumaaleysta halkaasi.
Taliyaha Ururka 171aad ee kumaandooska Gorgor Cabdullaahi Mustaf Cali (Tima-weyne) oo hoggaaminayay Howlgalka ayaa caddeeyay inay sii wadi donaan howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta,isla markaana looga saarayo goob kasta oo ay Ka joogaan gobolka Sh/Dhexe.

.