Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan kuwa Danab ayaa xalay Howlgal qorshaysan waxa ay ka sameeyeen deegaanka Wargalo oo hoostaga Degmo Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug.
Howl-galkaan waxaa ciidamadu ay ku qaadeen gooba looga shakiyay inay ku dhamaaleystaan maleeshiyaadka Al-shabaab .Waxaana gacanta lagu dhigay hal nin, ka dib markii loo galay guri uu ka degenaa deegaanka .
Inta la xaqiijiyay hal askari oo ka tiran Ciidamada Danab ayaa ku dhaawacmay howl-galka waxaana ganacta lagu dhigay mid ka mid ah kooxihii bartilmaameedka u ahaa Ciidamada.
Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa hore howl-gallo uga sameeyay deegaano badan oo hoostaga Degmada Hobyo kuwaasi oo ay ku dhuumaaleysanyeen kooxaha Argagixisada Al-Shabaab.