Galgaduud(SONNA):-Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Deegaanka ayaa Howlgal khasaaro lagu gaarsiiyey khawaarijta ka fuliyay Bariga Gobolka Galgaduud,gaar ahaan deegaanka Ciinjir oo ka tirsan oo ka tirsan degmada Galcad.
Howlgalkaan oo dhacay xalay ayaa lagu bartilmaameydsaday fariisin Kooxda Khawaariijta ay ku lahayd Deegaanka Ceel Xasan Cali oo dhanka koofur Kaga beegaan Magaalada Budbud ee Bariga Gobolka Galgaduud .
Inta uu socday howlgalka ciidamada ayaa toogtay 6 kamid ah Maleeshiyaadkii ku sugnaa xarunta la weeraray, sidoo kale khawaarijta waxaa gacanta looga dhigay Hubkii ay adeegsanayeen maleeshiyaadka howlgalka lagu Khaarijiyey.
Hagar Barre oo hogaaminaayey ciidanka deegaanka ee howlgalka la fuliyey ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey khasaaraha xoogan ee khawaarijta gaaray.
Wararkii ugu dembeeyey ayaa sheegaya in ciidanka ay weli dhulka howdka ah ku sii baacsanayaa firxadka maleeshiyaadkii ka haray kuwii ku baxay gacanta ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka.
Faah faahin Goordhow la soco