Kismaayo-(SONNA)-Howl-gallo qorsheysan oo ay Ciidanka xoogga Dalka ka fuliyeen Saacadihii lasoo dhaafay degaanka Buulo-guduud oo u dhow Magaalada Kismaayo ayaa lagu dilay 27 xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.
Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska xoogga Dalka G/le, Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay sidoo kale fashiliyeen Laba Gaari oo noocoodu yahay UD, kuwaasoo ay ku diyaarinayeen qaraxyo ay Argagixisadu doonaysay in ay ku dhibaateeyaanย Shacabka ku dhaqan Gobolka Jubbada hoose.
Xubnaha ay dileen Ciidanka xoogga Dalka ayuu sheegay Taliyuhu in ay isugu jireen Malleeshiyaad iyo Horjoogayaal ay ka mid ahaayeen ajaaniib.