Xarardheere(SONNA):-Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hawgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka beer-faarax oo dhanka waqooyiga kaga beegan degmadda Xarardheere ee gobolka Mudug,iyagoo halkaas ku dilay 40 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta ah sida ay Saraakiisha Ciidanka Hoggaaminaysaa u xaqiijiyeen warbaahinta qaranka.
Hawlgalkan oo ay iska kaashadeen Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeedda Caalamiga ah ayaa lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta ee Al-shabaab,oo maalmihii u dambeeyey halkaas ku dhuumaalaysanayey,iyadoo deegaanka ay si buuxda hadda ula wareegeen Ciidanka Dowladda iyagoo ka wada baaritaano dheeri ah.
Degmadda Xarardheere oo uu deegaanka beer-faarax ka tirsan yahay ayaa dhowaan laga xorreeyey kooxda khawaariinta Al-shabaab,iyadoo dhinaca kalena uu xawli ku socdo hawlgalka deegaanada gobolka Mudug looga sifaynayo haraadiga kooxa khawaariijta ee ku dhuumaalaysanaya.