Muqdisho(SONNA):-Hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen Deegaanka Cali Fuuto ee hoos taga degmada Kuntuwaaray ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayay ku dileen in ka 44 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab kuwaas oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad.
Howgalkan ayaa dhacay shalay galabnimadii, ka dib markii Sirdoonka Qaranka uu helay xogta maleeshiyadaan oo in mudo ah isku aruursanayay deegaankaan ayagoo dhagar u maleegayay shacabka Soomaaliyeed.
Howlgalkaan waxaa sidoo kale lagu burburiyay godod ay halkaas ka qoteen Khawaarijta, Hub iyo saanado kale oo ay ku aruursanayeen danbiilayaasha Khawaarijta.
Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka goโan in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabaad ka dhigtaan, iyadoo haatana Ciidanka Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed deegaano badan ka xoreeyeen Khawaarijta.