Xarardheere(SONNA):-Howlgal Qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa ka dhacay deegaanka Dumaaye oo Boostada degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.
Howlgalkan ayaa lagu beegsaday saldhig ay Khawaarijtu ku lahayd deegaankan oo Xili ay shir ku lahaayeen Horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah, iyadoo inta badan xubnihii halkaas ku sugnaa lagu dilay Howlgalkaan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in saldhiggii Khawaarijta ee Dumaaye oo hoos tagta Degmada Xarardheere saakay gebi ahaan asaga iyo wixii ku jirey ba la burburiyey.
Dhinaca kale Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in haraadigii Khawaarijta Mudug ee isku uruursanayay deegaanka Dumaaye oo lagu qaaday howlgal culus.
“Khawaarijtii Mudug waxaa haleelay hawlgal culus oo ka dhacay Dumaaye, goobta waxeey ku uruurinayeen Maleeshiyaadkii haraadiga ah ee ku goโdoonsanaa Gobalka kuwaas oo ay ka hayaan Waardiye si aanay u kala fakan.
Alle ayaa mahadsan”.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka wada meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan, iyadoo laga khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan, waxayna ku jiraan maalmahooda gabagabada ahaa Khawaarijtu.