Boosaaso, (SONNA): Ciidanka dowlad goboleedka Puntland ayaa burburiyay ilaa shan talis oo kooxda argagixisada Daacish ku laheyd deegaanno dhaca buuralayda Cal-miskaad ee Gobolka Bari kadib howlgal ay shalay halkaasi ka sameeyeen.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa sheegay in talisyadan la burburiyay ay kooxda ka soo abaabuli jirtay dhagaraha ay shacabka u maleegaan.
Ciidanka ayaa haatan ku sii raad joogo firxadka kooxda, iyagoo beegsanayo meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan, si halistooda loo soo afjaro.