Ciidanka Hayโadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa shaqsigii ugu muhiimsanaa ee cadowga Khawaarijta,kaas oo dibadda ka soo iibin jiray hubka iyo waxyaabaha loo adeegsado qarxyada ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed.
Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah, waxaa in muddo ah dabagal ku heysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, waxaana ugu dambeyn suurto-gal noqotay in Hay’addu gacanta kusoo dhigto xilli uu qorshaynayay in uu si dhuumaalaysi ah ugu sii gudbo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxaha Khawaarijta ee gudaha Soomaaliya!
Sakariye waxa uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd koox isku xiran oo dalka dibaddiisa kasoo iibiyay saanad ciidan oo loo waday argagixisada laguna soo dhex qariyay shixnado ganacsi kuwaas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hay’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana ninkan dhawaan loo gudbin doona Hay’adaha Garsoorka, si loogu qaado dembigiisa.
Hayโadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA waxaa ka goโan in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaataynta iyo gumaadka shacabka Soomaaliyeed.