Ugu yaraan 10 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan ilaalada baabuurta gargaarka ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday dad mucaawino doon ah oo ku sugnaa deegaanka Khan Younis.
Dadka la dilay ayaa la sheegay in ay kamid aheyd haweeneey la dhalatay madaxa Ururka Xamas Ismaaciil Haniyah,taasoo lagu dilay weerar ka dhacay xerada al-Shati.
โxaalad macaluul ah ayaa weli ka jirta Gaza,iyadoo in ka badan 495,000 Falastiiniyiin ah ay soo food saartay cunto yari iyo masiibo,sida uu ku waramay Madaxa Heyโadda UNRWA ee dadka Falastiin u qaabilsan gargaarka biniโaadanimo ee Qaramada Midoobay.
Warar ayaa sheegaya in Gaza xilligaan ay tahay deegaan la xaalufiyey,carruurta Falastiinna waxay u dhimanayaan nafaqo-xumo iyo fuuqbax,iyadoo cunto iyo biyo nadiif ah laga sugayo gawaarida heyโadaha samafalka ee tagaya halkaasi.
Dhinaca kale,r/wasaaraha Israel ayaa sheegay in dagaalku sii socon doono xitaa haddii heshiis xabad joojin ah lala gaaro Xamaas.
Kooxda falastiiniyiinta ayaa sheegay in hadaladiisa ay muujinayaan in uu diiday hindise xabbad-joojin ah oo uu soo bandhigay madaxweyne Biden.
Ugu yaraan 37,626 qof ayaa la dilay, 86098 kalena waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israaโiil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.