Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xubnaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo dhiirigaliyay arday ka baxday jaamacadaha Makerere
    April 10, 2026
    R/ Wasaaraha XFS oo saaka Muqdisho ka daah-furay tartanka Orodada ee Marathon-ka
    April 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya
    April 10, 2026
    Wasiirka Qoyska oo kormeertay Tuullada Carruurta SOS ee Muqdisho
    April 9, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyey garsoore Cumar Cartan
    April 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose
GudahaWararka

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

By Abdulkadir
Last updated: April 4, 2026
2 Min Read
Share

WAR SAXAAFADEED

Muqisho(SONNA):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday xarumo iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta. Howlgalladan waxaa lagu dilay sagaal dhagarqabe, iyada oo lagu burburiyay lix matoor oo waaweyn oo kooxdu u adeegsan jirtay farsameynta miinooyinka iyo walxaha qarxa.

Howlgalka koowaad oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ayaa lagu beegsaday xarun ay Khawaarijta u yaaleen matoorro waaweyn oo ay u adeegsan jireen farsameynta miinooyinka iyo qaraxyada. Halkaas waxaa lagu gubay lix matoor, waxaana lagu dilay lix dhagarqabe oo ay ka mid ahaayeen Horjooge Abiikar Nuur oo masuul ka ahaa matoorada iyo gaadiidka, iyo Cabdifitaax Maxamed Xasan oo ahaa Makaanigii ugu weynaa argagixisada ee farsameynta baabuurta qaraxyada.

Sidoo kale, howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Tugaareey ee isla Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad Khawaarij ah oo gabbaad ka dhiganayay goob kayn ah. Seddex dhagarqabe ayaa lagu dilay howlgalkan, waxaana lagu kala firdhiyay maleeshiyaadkii halkaas ku dhuumaaleysanayay, taas oo wiiqday abaabulkii kooxda.

Howlgalladan qorsheysan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu burburinayo xarumaha iyo abaabulka Maleeshiyaadka ee Khawaarijta, isla markaana looga hortagayo isku dayada argagixiso. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Shacabka Jabuuti oo maanta u dareeray doorashada madaxtino ee dalkaasi

Jabuuti.SONNA.....Shacabka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa saakay oo Jimca ah u dareeray doorashada…

April 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xildhibaanno katirsan BJFS oo ka qeybgalay kulanka labaad ee Baarlamaanka lixaad ee Pan-Afrika

Muqdisho(SONNA):-Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ee ka midka ah Baarlamaanka Pan-Afrika oo ay ku mideysan yihiin wadamada midowga Afrika ayaa ka…

Wararka
May 28, 2023

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo guddoomiyay shirka todobaadlaha ee Taliska Ciidanka Boliiska

Muqdisho,(SONNA):- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ee Taliska Boliiska kaas oo ka…

GudahaWararka
October 3, 2024

Gudoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay Ergayga Madaxwaynaha ee Xasilinta & Ilaalinta Arimaha Rayidka

Muqdisho, (SONNA):- Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa maanta xarunta hay’adda ku soo dhaweeyay Ergayga gaarka ah ee Madaxwayne Xasan…

GudahaWararka
February 25, 2024

Ciidanka Xoogga Dalka oo in ka badan 70 ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab ku dilay dagaal ka dhacay Jilaable ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Muqdisho (SONNA)-Afhayeenka ciidanka Xoogga dalka Kornayl Cali Xaashi ayaa wareysi uu siiyay Radio Muqdisho ku sheegay inay ku dileen in…

GudahaWararka
June 3, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023