War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska ciidanka boliiska Soomaaliyeed ayaa looga hadlay howlgallada ciidanee ka socda Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka ee ay maamulaan dowlad goboleedyada.
Sarkaal u hadlay ciidanka Boliiska ayaa sheegay in howlgalkaan oo socon doona mudada lagu jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan,wuxuuna intaa raaciyay in ujeedadu tahay ย Xaqiijinta amniga bulshada iyo in laga hortago falalka kooxha hubeysan ee argagixisada Al-Shabaab.
Habeenimadii xalat Ciidanka Boliiska ayaa ka hortagay dhagarqabe isku dayey in uu waxyeello gaarsiiyo dad shacab ah oo doonaayey in ay ku dukadaan ย masjid ku yiillay degmada Hodam.,,waxaana neydkii ninkaasi iyo hubkii uu watay la wareegay ciidamada.
Dhanka kale, howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka Boliiska Gaarka ah ee Haramcad ka sameeyeen Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa looga hortagay kooxo jgawaarij ah oo in ay waxyeello gaarsiiyaan dadka beeraleey ah oo ku sugnaa duleedka Degmada Afgooye,inkastoo kooxahasi ay ka carareen halkaasi.
Sarkaal u hadlay ciidanka Boliiska ayaa qiray in gacanta lagu hayaan ย askarigii falal xadgudub ah ku sameeyay muwaadiniin ku sugnaa isgoyska Soobbe,wuxuuna askarigaasi wajihi doonaa cadaaladda ,ayuu yiro.