Cidamada Ammaanka Puntlan ayaa gacanta ku dhiigay koox ka dambeysay dil ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo lala beegsaday Sarkaal ka tirsanaa laanta dambi barista ee gobolka Mudug .
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay sidoo kale wadaan baaritaanno laga fulinayo xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Guddoomiyaha ayaa ka codsaday waalidiinta ย in ay Laamaha Amniga la wadaagaan xogaha khuseeya amniga,isla markaana gacan ka geystaan sugidda xasiloonida gobolka.