Boosaaso(SONNA):-Ciidanka ammaanka ee magaalada Boosaaso ayaa toogtay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta Daacish oo gudaha magaalada ku aasayay Qarax Miino oo uu doonayay in uu shacabka ku dhibaateeyo.
Ciidanka ayaa xaqiijiyay in dhagarqabaha la toogtay uu ahaa ajnabi ka tirsanaa Daacishta ku sugan Gobolka Bari.
Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa maalmahaan kordhiyay baacsiga cadowga Khawaarijta ah ee Daacish kuwaas oo ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay ay ciidanku kula wareegeen saldhigyadii ugu muhiimsanaa ee Daacish.